4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
MUUSE: Wadaadow Dadku Wax ha Bartaan kii Doollar Waayana yaanu Qadin

Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in meelihii dadka dhaliili jireen wadaadadii soo galeen, iyagoo dhaqaalihii iyo siyaasadiiba la wareegeen.

Biixi ayaa sheegay in haddii wadaaddii siyaasaddii soo galleen ay adag tahay sida loo kala amaan helayo, isla markaana siyaasada ku tilmaamay khiyaano iyo beenow inay tahay.

“Waxaan leeyahay dhaqano cusub ayaa inagu soo baxay, Wadaadku wuxuu isa soo taagay halkii cid walba lagu maagi jiray, Dalka Dhaqaalaha  Maanta waxa haya Wadaado, Nin taajir ahna waa la caaya, waa la tuura, oo inta uu qadinayo ayaa badan, inta uu ka seexanayo ayaa badan, inta uu dhaafayo ayaa badan ee idinku halkii ayaad timadeen ee haddii la idin yara taataabto ha diidina”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga kulmiye Biixi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in waddaadka oo lagu ogaa wacdiga Diinta ay hadda siyaasaddii soo galeen, isla markaana dhaliishu ku badnaayso, waxaanu yiri. “Wadaadadii imika siyaasaddiina way soo galleen, mar haddii aad Siyaasi tahayna waxa aad tahay Tuug, oo Beenaale ayaad tahay, oo Khaayin ayaad tahay, oo Nin xun ayaad tahay, oo Inanka wanaagsani Gurigiisa ayuu jooga, laakiin haddii aad fagaaraha iskeento ogolaw.  Culimooy siyaasdiina waad soo gasheen hadaba sidee ayaa loo kala Nabadgelayaa?  Su’aashu waxay tahay idinka ayaa Garoonkii is keenee sidee loo kala nabadgayaa, taas cid kale ayaa ka talin doonta, anigu Culimadu waa Culimadaydii oo meesha ay yimaadanba way ku wanaagsan yihiin,waana Niman wanaagsan, mid baanse odhanayaa dabaqada ugu sareeysa ee Maanta dalka dhaqaale lihi waa Culimo, Tacliintii idinkaa haya, Isgaadhsiintii idinka ayaa haya, Dhakhaatiirtii idinka haya, Kaashkii idinka haya, Bakhaaradii idinka haya, haddaba xadiiskiina waad haysaan oo mar kastana waad na waaninaysaan oo waxa aad na leedihin dan yarta ha la daryeelo, oo Nabigu SCW waxa uu yidhi Agoonku waa sidaaas, waayahay eee Iskuulada aad dhigaysaan ee walibana Diinta lagu baranaayo, oo dadku ha wada barto oo kii Doolar haystaana yaanu baranin kii Doolar waayana yaanu qadin, taclinta ina wada gaadhsiiya walaalayaal, Bakhaarada Cuntada idinka  ayaa soo dejinaya, ixtikhaarkuna waa xaaraan oo waad taqaaniin, Baayac-mashtarka dhiig miiradka ahina waa xaaran oo waa kii aynu ka dagaalanay, mar haddii aad culimo tihiin Cuntada inoo jabiya oo ILLAAHAY ka yaaba, Shidaalka Culima keenta, Adduunkii wuu ka jabay, inagana wuu inaga jabi doonaa Insha ALLAAH, ILLAAHAY Culimada ha inoo barakeeyo”.

Hadalkan ka soo yeedhay Muuse Biixi ayaa loo turjumay inuu ula jeeddo wasiirkii hore Maaliyadda ee loo bedelay wasaaradda waxbarashada ee iska Casilay C/casiis Samaale oo siyaasadda si adag iskugu hayeen, isla markaana hore u ahaan jiray Culimadda dalka ka hor inta aanu siyaasada soo galin.

Guddoomiye Biixi iyo Samaalle ayaa mudooyinkii dambe loolan adag ka dhexeeyey, isla markaana isku haystay hogaanka xisbiga kulmiye, isagoo Biixi markii hore u arkayey inuu awooddii xukuumadda u adeegsanayo, maadaama oo wakhtigaasi ahaa wasiirka Maaliyadda, haseyeeshee wakhtiga uu dhaliisha usoo jeedinayo wadaadada ay ku soo beegan tay wakhti ay isku dhaceen wasiir Samaale iyo madaxweynaha.

Sidoo kale, xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu tilmaama inay u badan yihiin culimo,waxaana inta badan dhaliillaa siyaasiyiinta mucaaradka ah oo u arka inay koox wadaaddo ah u badan yihiin wasiiraddu.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland