4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeer ku tagay Isbitaalka Hargeysa (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) —Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Siilaanyo ayaa maanta kormeer ku tagay isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isagoo booqday dadka bukaan jiifka ah ee ku jira waararka kala duwan ee cisbitaalka.

Madaxweynaha waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay wasiirro xukuumaddiisa ku jira oo uu ka mid ahaa wasiirka caafimaadka, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey hawl-wadeenada caafimaadka ee cisbitaalka.

Wasiirka Caafimaadka Dr:Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa warbixn ka siiyey qaabka uu u shaqeeyo cisbitaalka iyo horumarka kala duwan ee ka socda, waxaanay halkaasi ka tusay dhisme casri ah oo lagu soo kordhin doono cisbitaalka iyo qaabka uu u eekaan doono.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu wada galay waadhadhka ay bukaan jiifku ku jiro, isla markaana waxa uu waraystay bukaan jiifa iyo sida loogu adeego. Intaas kaddib wuxuu xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgaliyey cisbitaalka, halka qaarkalana uu dhagax dhigay.

Madaxweynuhu wuxuu xariga ka jaray mishiino casri ah oo dhawaan la keenay isbitaalka, kuwaasi  oo iskugu jira  (X-RAY-CT scan), Mishiinka Kelyaha sifeeya oo ka kooban 7 mishiin wakhtigaasina ay shaqadu ka socotay oo ay jiifeen dad dhawra oo loo sifaynaayey kelyaha,waxaanay bukaankii kalyaha loo sifaynayey madaxweynaha u sheegeen in toddobaadkiiba laba jeer loo sifeeyo, isla markaana ay ka raysteen dalalkii dibadda ee ay Kalyo sifeynta u tagi jireen, waxaanu madaxweynuhu u ballanqaaday inuu mishiinadda Kalyaha dawooyinkoodda iyo daryeelkooda ka war hayn doonno.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxu dhagax dhigay lixdan qol oo loogu talo-galay inay seex-daan bukaanku, waxaanay maamulka cisbitaalku sheegeen in qolalkii gaar ahaa ay wada buuxaan, sidaa darteed ay lixdan qol oo kale ku kordhinayaan cisbitaalka. Sidoo kalena wuxuu madaxweynuhu dhagax dhigay xarun cusub oo loo dhisayo gargaarka degdega.

Madaxweyne Siilaanayaa ayaa markii dambe dib ugu noqday xafiiskiiska, isagoo lugeeyey inta u dhexeysa cisbitaalka iyo madaxtooyadda, isla markaana dadweynihii goobta ka dhowaa u gacan haadinayey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland