4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Tuugo Shan qof oo Qoys kasoo Wada-jeeda ku dhaawacay Magaalada Nairobi


Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Aroornimadii hore ee saaka ayaa koox hubeysan oo Burcad ah, waxey weerareen Qoys degan Guri ku yaallo xaafada South B ee magaalada Nairobi halkaasoo ay ku dhaawaceen ilaa shan qof oo reerkaas ka tirsanaa.

Ciidamada Booliska oo tagay goobtii uu falkaas ka dhacay, ayaa xaqiijiyay in abaaro 3-dii subaxnimo ee maanta uu weerarkaasi dhacay. isla markaasna koox hubeysan ay toogteen shantaas qof.

Taliyaha qeybta Booliska deegaanka Makadara oo xaafada South B. ay ka tirsan tahay, ayaa sheegay in Burcadii weerarkaas geysatay ay ka koobnaayeen ilaa shan nin oo hubeysan, ayna ka baxsadeen goobta kadib markii ay qaateen hanti lacag ay ka mid aheyd oo ilaa iyo hada cadadkeeda aanan la sheegin.

Taliyaha oo lagu magacaabo Nehemiah Lagat ayaa sidoo kale caddeeyay in xubnaha dhaawacmay ay hal qoys ka soo wada jeedaan, wuxuuna intaas ku daray in ay qabaan dhaawacyo xabbadeed, lana dhigay Isbitaal ku yaalo magaalada Nairobi.

Falkan ayaa wuxuu ka dhacday maanta deegaan lagu magacaabo Golden Gate Estate oo ka tirsan xaafada South B ee magaalada Nairobi. Wuxuuna cabsi ku abuuray dadka deegaanka xili ciidamada Bilaysku ay sheegeen iney baadigooyabaan cidii ka dambeysay dhacdadaas.

Xaafada South B, ayaa waxey ka mid tahay meelaha ay Soomaalidu ka dagan yihiin magaalada Nairobi, isla markaasna ay ku leeyihiin ganacsiyo kala duwan oo guryo ay ka mid yihiin.

Falalkaan ayaa ku soo beegmaayo iyadoo dhawaan ciidamado fara badan oo bilays ah lagu daad gureeyo qeyb ka mid ah magaalada Nairobi, xili ciidamadu ay sheegeen iney heleen xog ku saabsan weeraro argagaixiso oo ururka Al Shabab uu qorsheynaayo inuu ka geysto gudaha Kenya.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya