4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Wasiirkii labaad oo Iska-casilay Somaliland & Sababihii keenay is-casilaadiisa

Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Wasiir kale oo xil ka hayay xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilkiisii iska casilay, isagoo noqonaya mas’uulkii labaad oo iska casilay xukuuumadda muddo 24-aac gudaheed ah.

Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) ayaa sheegay in waraaqdii iscasilaadda uu u gudbiyey madaxweynaha, isla markaana sheegay inuu xilkii uu hayey iska casilay.

“Haddii cunto kariyuhu badato maraqa xumaadda, taladii baa badatay waxad mooda inay taladu qof kaliya ku koobnayn oo madaxweynaha oo kaliya ku koobnayn oo ay taladdu badatay, marka aan arkay waxyaalo badan ayaan iska casilay”ayuu yidhi wasiirkii Warshadaha Abiib Diiriye Nuur oo u waramayey BBC-da.

Mar la waydiyey inuu xisbiga kulmiye ka baxayo iyo in kale, waxa uu ku jawaabay “Xisbigii kama tagayo xisbigii sidii baanu ahay, laakiin waxaan iska casilay xilkii aan xukuumadda ka hayey”.

Wasiir Abiib Timad ayaa saaxiib dhow wada ahaayeen wasiirkii wasaaradda waxbarashada ee iska casilay xilkii loo bedelay Cabdicasiis Samaale, isla markaana waxay siyaasada isku hayeen gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, waxaanay wasiiradani is casilay u arkaan in gudoomiyaha kulmiye Biixi Siyaasaddii kaga gacan sareeyey, maadaama oo Cabdicasiis Samaale sheegay inuu musharax u yahay xilka gudoomiyaha xisbiga kulmiye, isla markaana mustaqbaka madaxweyne Siilaanyo dabaddii uu doonayo inuu xisbigaasi iska soo sharaxo, taasina ay loolan adag iyo colaad ka dhex abuurtay laban garab ee uu kala hogaaminayey Gudoomiye Biixi iyo wasiir Samaalle, haseyeeshee markii dambe madaxweyne Siilaanyo soo kala dhexgallay, sidaasna loolankii lagu qaboojiyey.

Si kastaba ha ahaatee, wararka qaar ayaa sheegaya in maalmaha soo socda isku shaandheyn kale soo socda, isla markaana wasiiro culus la isku bedeli doono, qaarkoodna xilalka ay hayaan ay waayi doonaan, taasina ay keentay inuu is casilo wasiirka Warshadaha ka dib markii u ogaaday inuu xilka waayi doonno.

Dadka siyaasadda falanqeeya oo maalmihii u dambeeyey hadal hayey isku shaandheyntan iyo iscasilaada wasiirkii hore waxbarashada Samaale ayaa sheegay in iscasiladani fursad fiican u tahay gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi, maadaama gudoomiyaha iyo labaddan wasiir siyaasadda isku hayeen, isla markaana ay hore ugu heshiiyeen inay Biixi kula tartamaan gudoominimadda xisbiga.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland