4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Al-shabaab oo baahisay muuqaallo ku saabsan Weerarkii Mpeketoni ee Kenya


Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Markii ugu horraysay ayay Xarakada Al-shabaab soo bandhigtay muuqaallo ku saabsan howlgalladii ay ku dishay 65-ruux ee Kenyan ah, kaasoo ay deegaanka Mpeketoni oo ka tirsan Lamu ka fulisay sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-kii.

Qaybta warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay muuqaalladan oo sawirro ah kuwaasoo ay ka dhex-muuqdaan muuqdaan xoogaggii Al-shabaab ee weerarkaas ka fuliyay deegaanka Mpeketoni ee dalka Kenya.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu gubay dukaammo, hoteell iyo gaadiid badan oo ay lahaayeen ciidamada booliiska Kenya. Wuxuuna dhacay June 16, 2014-kii, kaasoo muran badan ka dhex-dhaliyay mucaaradka iyo dowladda Kenya.

Baahinta sawirradan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo Al-shabaab ay si rasmi ah u baahiso, tan io markii uu dhacay weerarkaas, iyadoo kooxdu ay weerarro kale oo xigay weerarkaas ka geysteen deeganno kale oo Kenya ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya