4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Kulan lagu Falanqeeyay Hiigsiga Cusub oo Muqdisho lagu Qabtay (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) —
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa shir-gudoomiyey maanta kulan looga hadlayay dar-dargalinta barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal) ee Somalia kaasoo soo bilowday bishii September ee sannadkii 2013-kii.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay safiirrada qaar ka mid deeq-bixiyayaasha, wakiillo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, wasiirro xukuumadda ka tirsan, agaasimaha u qaabilsan dowladda New Deal-ka iyo xubno kale.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga, Cabdiraxman Caynte ayaa oo saxaafadda uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, ayaa sheegay in guddi ka koobana toddobo wasaaradood loo xil-saaray daba-galka iyo isku-duba-ridka barnaamijka Higsiga Cusub.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu dar-dar-gelinta howshan u magacaabay guddi ka kooban wasiirro, kuwaasoo kala ah, wasiirrada Qorshaynta, gaashaandhigga, Amniga, Maaliyadda, Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Gudaha. Waxayna ka shaqeyn doonaan la socodka barnaamijka Higsiga Cusub ee Soomaaliya, waxaana hoggaanka isku-duba ridka deeqaha Somalia la keeno yeelanaysa wasaradda qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga,” ayuu yiri Caynte.

Sidoo kale, Sharma’arke oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo amniga, ayna wiiqantay awoodii Al-shabaab, kuwaasoo laga saaray dhul faro badan.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa inay iga go’an tahay sii wadidda howlihii baaxada lahaa ee socday, sida xoreynta iyo xasilinta dhulka ku harsan gacanta Al-shabaab, dhamaystirka maamul u samaynta gobollada Somalia. Waxaana xusid mudan in hadda xukuumadu ku mashquulsan tahay sidii loo yag-leeli lahaa maamulka laga hirgalinayo gobolada dhexe, waxaa intaa barbar socda dhiirri-galinta shirka dib u hesiisiinta ee ka socda Dhuusa-mareeb oo hadda meel gabo-gabo ah maraya,” ayuu yiri Sharma’arke.

Isago sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxaa sidoo kale xaqiiq ah inay na sugayso howl badan iyo waqti xadidan, lakiin taageerada aan ka helayno shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka annagoo kaashanayna ayaan ku rajo-weynahay inay noo suuro-gasho inaan si dhaqso ah u qabano shaqo badan.”

Ugu dambeyn, kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa in ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada warbixin looga siiyo wixii ka qabsoomay higsiga cusub mdudadii uu socday, caqabadaha hortaagan, sida uu uga hirgalay gobo;lada dalka iyo sidii loo dar-dar-galin lahaa dhameystirka aragtida 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya