4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Wasiirka arrimaha dibadda DFS oo kulan la yeeshay safiirka Qatar ee Somalia


Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somalia C/salaan Hadliye Cumar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safaaradda Qatar ee Somalia, Inj. Xasan Bin Hamza Asad Maxamed, iyagoo kawada hadlay xiriirka laba labada dal iyo is-kaashiga u dhexeeya.

Kulanka intii uu socday  ayaa waxaa la isku weydaarsaday aragtiyo muhiim u ah danaha wadaagga ah iyo qaabkii lagu xoojin lahaa. Iyadoo kulanka ay goobjoog ka ahaayeen xubno labada dhinac ka socday.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir xooggan oo walaalnimo soo jireen ah oo ku qotama iskaashiga dhaqan, dhaqaale, siyaasad iyo bulsho ee labada dal u dhexeeya, iyadoo dowladda Qatar ay ka mid tahay dowladaha ugu horeeya ee caawiya Soomaaliya.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya