4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo u Dhoofay Kismaayo

Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe, iyagoo u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG ah ee Jubba.

Ilo ku sugan madaxtooyada Garowe ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay casuumaad rasmi ah ka heleen madaxweynaha maamulka Juba Axmed Madoobe,lamana shaacin inta uu qaadan doono safarkooda.

“Madaxweyne Gaas waxa uu shirar la qaadan doonaa hogaanka maamulka Jubba waxaana ay ka wada hadli doonaan abuuridda iskaashi dhex mara labada dhinac “ ayaa lagu yiri war hor dhac oo laga soo saaray safarka madaxweynaha.

Waxa wararka qaar ay sheegayaan in booqashadan maanta uu madaxweynaha Puntland ugu ambabaxay Jubbaland ay ahayd mid dhowr jeer oo hore baaqatay ,isla markaana xilligan lagu soo beegay.

Ugu danbayn, wafdi u hoggaaminayaha madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba ayaa lagu wadaa in bisha danbe ay booqasho ku yimadaan Puntland si ay uga qayb-galaan shir looga hadlayo hiigsiga Soomaaliya.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]