4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Ruux ay raadinayso FBI-da Mareykanka oo la sheegay inuu u xiran yahay DFS


Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Qof Somali-American ah oo FBI-da Mareykanka ay ku dartay liiska dadka la raadinayo bil ka hor, madaxiisana la dul-dhigay lacag dhan 50,000 oo doollarka Mareykanka ah oo la siinayo ciddii soo sheegta macluumaad ku saabsan ayaa la sheegayaa inuu ku jiro xabsi ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Liibaan Xaaji Maxamed oo 29-jir ah Taksiilena ahaa uu ka tirsan yahay Al-shabaab, isla markaana lagu eedeeyay inuu dhaqaale siin jiray dhallinyaradana ug qori jiray dalka Mareykanka.

Liibaan Xaaji ayaa bishii Jannaayo ee sannadkan lagu daray liiska dadka ay FBI-da Mareykanku doon-doonayso, iyagoo sheegay inuu ku sugan yahay geeska Afrika, inkastoo aan la sheegin dalka uu joogay.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in Liibaan Xaaji uu ku xiran yahay xabsi ay leedahay dowladda Somalia, iyadoo aan la ogeyn in dowladda Soomaaliya u gacan-gelin doonto ninkan dowladda Mareykanka oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeya.

Ma jirto illaa hadda war xaqiijinaya sheegashada saraakiisha Mareykanka ee ah in Liibaan u xiran yahay dowladda Soomaaliya, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya