4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Xubnaha Soomaaliya & Somaliland oo isku eedeeyay Burburka Shirkii Turkiga


Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Xubnihii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay u kala dirsadeen wadahadalladii Turkiga ayaa dib ugu laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa, kaddib markii uu fashilmeen wadahadalladii ay yeelan lahaayeen.

Wasiirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in sababta uu shirka labada dhinaca uu u dhici waayay shuruud ay la yimaadeen xubnaha Somaliland, taasoo uu sheegay in aysan munaasab ahayn.

“Shirku wuxuu u qabsoomi waayay shuruud ay la yimaadeen ergada Somaliland, runtiina waxaan u aragnaa inaysan shuruuddaasi ahayn mid munaasab ah; wax aan ka qaban karana aysan jirin, balse haddii ay wax-tabanayaan waxay ahayd inta aanay Hargeysa kasoo bixin in la xalliyo. Waa ka xunnahay wax kasta oo dib u dhac ah oo ku yimaada danaha iyo aayo ka talinta Somalia,” ayuu yiri Maareeye.

Mudane Maareeye ayaa intaas ku daray in mas’uuliyadda iyo dib u dhaca shirka ay dusha u ridanayaan xubnaha Somaliland metelaya, waxaana dalabka kasoo yeeray ee ahaa in afar xubnood uu isaga ka mid ahaa in shirka laga saarana ay ahayd mid aan la aqbali karin, isagoo sheegay inuu yahay buundo isku xiri karta Soomaaliya iyo Somaliland.

“Xubnaha dowladda Somalia waa hal unug… lama kala soo karo… madax ayaana soo magacawday…. annagan go’aan aan ku kala saari karno ma lihin. Anigu waxaan isku arkaa inaan ahaa buundadii isku xiri kartay Somalia iyo Somaliland,” ayuu yiri Maareeye.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo isna la hadlay BBC-da ayaa sheegay in shirka ay burburiyeen xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee lagu soo daray wafdiga dowladda Somalia ka socda, isagoo intaa ku daray in arrintaas ay mar hore kala hadleen oo ay dowladda Turkiga warqad u qoreen, ayna ku tilmaameen inay tahay mid aan la aqbali karin.

“Waxaa shirka burburiyay xubnaha faraha badan ee reer Somaliland ah ee lagu soo daray wafdiga dowladda Soomaaliya, annaaga mar hore u ayaanu sheegnay inaan aqbalayn, warqad ayaa u qornay Turkiga taasoo ahayd mid aan ku wargelinayno in afarta oo wafdiga Somalia ka mid ah laga saaro kuwa shirka soo fariisanaya, wadahadalna aan la geli doonin,” ayuu Biixi ku yiriw wareysiga.

Su’aal ahayd mowqifka Somaliland ee ku aaddan gooni-isku-taaggeeda ayuu sheegay in wali qadiyadooda ay ku dhegen yihiin, isla markaana Somalia ay kala maqan yihiin 25-sano, isagoo xusay inaanay Muqdisho u socono oo ay yihiin dal gaar ah oo horay u jiray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya