SAWIRRO: Billado la guddoonsiiyay saraakiisha Ciidanka Itoobiya ee AMISOM
Axad, Maarso 29, 2015 (HOL) — Garoon diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa billado lagu guddonsiiyay saraakiisha ciidamada Itoobiya ee AMISOM qaybta ka ah, kuwaasoo shalay loo sameeyay xaflad lagu sagootinayo, maadama ay muddo dheer ku sugnaayeen gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.
Ciidankan o sidoo kale ka tirsanaa qaybta saddexaad ee howlgalka AMISOM ayaa waxaa biladaha guddoonsiiyay madaxweynaha maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana goobta biladda lagu guddoonsiinayay ku sugnaa mas’uul ka socday safaaradda Itoobiya ee Somalia oo lagu magaabo Jamaaluddiin Mustafa iyo sarkaal isna ka socda xafiiska Qaramada Midoobey ee taageera AMISOM, Amuda Kamara.
Taliaya qaybta sadexaad ee howlgalka AMISOM, Jen. Gebra ayaa isna u xiray bilad sharaf madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo ay ciidamadan lagu bedelayo ciidammo kale ee ka socda dalka Itoobiya.
Xafaladda ayaa waxaa lagu soo bandhigay cayaaro ay ciidamada Itoobiya soo bandhgieen; iyadoo goob-joog ka ahaayeen wasiirrada Koonfur-galbeed iyo waxgaradka gobalka Bay, sidoo kale waxaa jooga taliyeyaasha booliiska iyo milateriga gobolka Bay, Jen. Ibraahim Yarow iyo Mahad C/raxmaan.
Hiiraan Online, Baydhabo