4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
Dowladda Somalia oo Qabsoomid la’aanta Shirka Turkiga ku eedeysay Wafdiga Somaliland


Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Dowlada federaalka Somalia ayaa ku eedeysay wafdiga ku meletaya maamulka Somaliland Wadahadallada Turkiga ee Somalia iyo Somaliland u dhexeeya ay ku guul-darreysteen inay soo fariisto miiska wadahadalka, iyagoo lasoo baxay shuruurdo la xiriira dadka dhinaca Soomaaliya ku matalaya shirka.

Wafdiga ay dowladdu u dirtay inay uga qaybgalaan wadahadallada ayay ku sheegtay inay yihiin xubno damaanad buuxa ka qaba dowladda Somalia si ay wadahadallada Turkiga ugu matalaan.

“Laba dhinac oo wadahadlaya midkoodna xaq uma laha inuu midka kale u yeeriyo cidda ay tahay inay metesho. Arrintaasi waxay xad-gudub ku tahay heshiisyadii hore loo gaaray iyo hab-dhaqanka caalamiga ah ee wada-xaajoodka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Somalia.

Sidoo kale, dowladda Somalia ayaa sheegtay in wafdiga Soalia oo shirka la yimid niyad-wanaag iyo Soomaalinnimo, ay shuruudo ku xireen Somaliland, waxaana dowladdu ay sheegtay in ergada Somaliland ay kaligeed mas’uul ka tahay inuu qabsoomi waayo shirkani.

“Dowladda federaalka Somalia mar walba waxay u taagan tahay midnimada Soomaaliya waxay caddeynaysaa inay diyaar u tahay wadahadal aanay shuruud ku xirnayn oo dan u ah midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo si fool-ka-fool la isugu soo hor-fariisto,” ayaa lagu yiri warka dowladdu ay soo saartay.

Ugu dambeyn, wafdiga dowladda Soomaaliya uga qayb-galaya shirka wuxuu dib ugu soo laabanayaa Somalia si uu wadatashi ula sameeyo madaxda sare ee Qaranka iyo dhinacyada ay sida tooska u quseeyo wadahadalladan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Somalia ayaa uga mahadcelisay dowladda Turkiga marti-gelinta labada wafdi iyo dhiirri-gelinta wadahadallada labada dhinac u dhexeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya