4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukunno kala duwan ku ridday Askar

Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday askar ka tirsan ciidamada milateriga Somalia oo lagu soo eedeeyay dilal iyo dhac ay geysteen.

Maxkamada ayaa laba askari oo ciidamadan ka tirsan ku xukuntay toogasho, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dilal geysteen, halka askari kale oo ka mid ah kuwii maxkamadda la horkeenayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Haddaba, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Col. Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunanda ay maxkamadda ciidamadu ku ridday askarta.

“Waxaa maxkamadda u caddaatay in eedeysane dable, Cabdulqaadir Yaasiin C/salaam uu yahay eedeysane galay dambiga lagu soo oogay oo ah inuu dilay marxuum lagu magacaabi jiray, Faarax Daahir Cali, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah,” ayuu yiri Col. Shuute.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in eedeysanaha kale ee dilka lagu xukumay lagu magacaabo, Siciid Cabdinaasir Diini, kaasoo dilay marxuum lagu magacaabi jiray, Liibaan Xuseen Sheekhoow.

Waxay kaloo maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay 15-sanadood oo xabsi ah eedeysane Cabdifataax C/raxmaan Maxamed oo lagu helay sida Col. Shuute sheegay in uu dhac u geystay dad shacab ah.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa sheegay in ciddii aan ku qanacsanayn xukunka ay maxkamaddu ridday ay rafcaan ka qaadan karto, kaasoo uu sheegay in lagu qaadan karo muddo bil ah.

Ugu dambeyn, maxkamadda ciidamada qalbka sida ayaa sii daysay laba ka mid ah askartii maanta la horkeenay, kuwaasoo ay makxamaddu sheegtay in lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay, waxaana labadan askari lagu kala magacaabaa; dable Jadiid Maxamed Cabdi iyo dable Daahir Xasan Maxamuud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya