4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
WARAN-CADDE: Ma aanan filayn in DFS ay soo dirsato Xubno aan Meteli karin


Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa dowladda Somalia ku eedeeyey inay carqaladaynayso wadahadalladdii u socday, isla markaana ergooyinka ka socda Somalia lagu soo darey xubno ka soo jeeda Somaliland.

Sidoo kale, Waran-Cadde ayaa siyaasiyiinta Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ku tilmaamay qaar u shaqo tagay, isla markaana aan matalin deegaanka ka soo jeedaan.

“Waxaa wax lala yaaabo ah halkii aynu ka sugaynay inay soo diraan dad Soomaaliya wax u goyn kara oo inala hadli kara ayey usoo direen dad ka soo jeedda Somaliland oo ku abtir-sanaya balse aynu u naqaano dad sida caalamka loo shaqo tago u shaqo tagay oo aan matali karin halka ay ka soo jeedaan”ayuu yidhi wasiir Waran Cadde oo ka hadlayey xakadka ku yimid wada hadalkii ka socon lahaa dalka Turkiga.

Isagoo hadalka sii wata ayuu yiri. “Wax laga filayey may ahayn inay soo dirto shaqaale ka shaqaysta oo dalkaasi magan ku joogga inay yidhaahdaan way na matalayaaan, arrin la aqbali karayo maaha, waxayna ka turjumaysa in aanay Soomaaliya diyaar u ahayn inay Somaliland la hadasho oo ay mar walba isku dayeyso inay carqaladayso”.

Wasiirka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaaan wadahadalada Somaliland & Soomaaliya, balse ay ka soo horjeesanayaan wax walba oo carqaladeyn kara wada hadalkaasi.

“Somaliland mar walba way soo dhoweynaysa wada haddaladdaasi marka qolada Somalia waa inay soo dirsataa dad u matalaya oo ka soo jeedda Soomaaliyadii talyaanigu xukumi jiray”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, wada hadaladdii u socday Somaliland iyo Soomaaliya ayuu hakad ku yimid ka dib markii ergooyinka Somaliland sheegeen in aanay la hadli Karin xubno ka soo jeedda Somaliland oo la socda ergooyinka Soomaaliya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland