4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
La-taliyihii Siilaanyo ee Arimaha beelaha laga tirada badan yahay oo iscasilay

Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Beelaha la hayb sooco, Bakhrad Jaamac Xirsi, ayaa sheegay  inuu xilkii uu madaxweynaha u hayey iska casilay.

Barkhad Jaamac Xirsi ayaa sheegay inuu madaxweynaha u gudbiyey warqaddiisa iscasilaada kadib markii uu muddo xilkaasi soo hayay, Waxanu ku sababeeyey kadib markii uu arkay in beesha uu ka soo jeedda saamigeeddii siyaasiga ahaa ka helin xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu xusay in muddo sugayeen.

“Umad dhan oo dunsan oo Xaqeedii siyaasiga ahaa maqan yahay ayaa keentay inaan Xilka iska casilo, Xukumadda iyo Madaxweynaha Xilkii aan u hayay ayaan iska Casilay laakiin, Xisbigii Kulmiyie Golihiisa dhexe ee aan ku jiray wali iskamaan casilin, iyadana markaan munaasib u arko, umadda aan ka tirsanahayna talo iyo tusmo aan ka waydiiyo, Umadda reer Somaliland ee aan daneeyana kala tashado wixii ila haboon ayaan yeeli doonaa” ayuu s yidhi Barkhad Xirsi.

Waxaanu intaas ku daray. “Madaxweyne Maamus iyo sharaf ku waar waanan kaaga mahadcelinayaa wada shaqeynteeni muddada soo socotey ee macasalaama. Somaliland guul iyo gobonimo waarta shacabkeygow guuleysta waana igu balan ka shaqeynta daryeelka bulshada iyo danta guud”.

Si kastaba ha ahaatee, beelaha laga tirada badan yahay ayaa dhawr jeer oo hore sheegay in saamigii siyaasada ay ka maqan yahay, isla markaana aanay haysan wasiir buuxa marka laga reebo wasiir ku xigeenka hawlaha guud oo beelahaasi ka soo jeedda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online.
[email protected]
Hargeysa, Somaliland