4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 2 , 2015
Al-shabaab oo ku Hanjabtay inay Weerarayso Dhismaha Baarlamaanka Kenya

Isniin, Maarso 02, 2015 (HOL) — Ammaanka baarlamaanka dalka Kenya ee Nairobi ayaa aad loo adkeeyay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay qorsheynayo inay weerar ku qaaddo baarlamaanka Kenya.

Ciidamada sirta dalka Kenya ayaa sheegay in 12-qof oo ka mid ah kooxda Al-shabaab ay qorsheynayaan inay weeraraan xarunta baarlamaanka, iyadoo lix ka mid raggaas ay ku sugan yihiin Nairobi, halka inta kalena aan la ogeyn meeshay ku sugan yihiin.

Sidoo kale, sirdoonka Kenya ayaa ka digay inay dhici karto in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa loo adeegsan karo weerarka baarlamaanka, iyadoo tani ay walaac weyn ka abuurtay Nairobi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarka uu qorsheyay nin magaciisa ay ku sheegeen sirdoonka Kenya, Maxamed Maxamuud; kaasoo la sheegay in uu ka mid ahaa dableydii weerartay magaalada Mandheera bishii November sannadkii hore.

Digniinta kasoo baxday nabadsugidda Kenya awgeed ayaa waxaa si aad ah loo kordhiyay ammaanka gudaha iyo dibadda xarunta baarlamaanka; iyadoo la geeyay ciidammo dheerad ah.

Ku-simaha taliyaha booliiska Kenya, Samwel Arachi ayaa u sheegay jariirada The Nation ee kasoo baxda Nairobi in la xoojyiay amniga meelaha muhiimka ah ee Kenya oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee ciidammo ka socda Kenya ayaa ka mid ah kuwa dalka Soomaaliya u jooga howlgalka ee AMISOM, iyadoo Kooxda Al-shabaabna ay weeraro kala duwan ka geysanaysay gudaha dalkaas tan iyo markii ay xukuumadda Kenya u soo dirtay ciidanka milateriga dalkeeda gudaha Soomaaliya sannadkii 2011-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya