4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 14, 2015
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la kulmey Madaxweynaha Jabuuti

Sabti, Maarso 14, 2015 (HOL) -Wafdi u hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi  Camey ayaa maanta magaalo madaxda dalka Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xubnaha wafdiga Putland waxaa kamid ah: Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamuud Xasan Soocade, Wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi Cabdi, La-taliyaha Madaxweynaha Puntland Cali Cabdi Awaare, Xiriiriyaha Xafiiska Madaxweynaha Puntland ee Arrimaha Macdanta Cabdicasiis Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) iyo qaar kamid ah ganacsatada Puntland.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah waxaase ugu muhiimsanaa xoojinta xiriirka iyo sidii ay u sameysan lahaayeen is-kaashi ballaaran oo dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga ah.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland  Cabdixakiim Cabdullaahi Camey ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahad celiyey soo dhaweynta balaaran ee uu wafdiga Puntland sameeyey.

Camey ayaa sidoo kale madaxda iyo shacabka dalka Jabuuti ku ammaanay taageerada hagar la'aaneed ee ay Soomaaliya u fidiyaan, gaar ahaan ka qayb qaadashada dib usoo celinta xasilloonida iyo ammaanka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya