4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 14, 2015
Tartan kubadda koleyga ah oo magaalada Garowe lagu soo gabagabeeyey
ImageSabti, Maarso 14, 2015 (HOL) —Magaalada Garoowe waxaa lagu soo gaba gabeeyey tartan kubadda koleyga ah oo loo qabtey xulalka kubadda koleyga ee gobollada Karkaar, Mudug iyo Nugaal.

Tartankan oo ah kii ugu horreeyey noociisa,  waxaa soo qaban qaabisey Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland.

Ciyaartii final-ka ee tartankaas ugu dambeysey waxa isugu soo haray labo xul oo kala metelayey gobollada Nugaal iyo Mudug, guushuna waxay raacdey xulka gobolka Nugaal.

Cayaarta kama dambeysta oo ahayd mid aad uxiisa badan waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin badan oo dowladda ka tirsna iyo boqollaal qof oo daawadeyaal ah.

Qaar kamid ah ciyaaryahannadii hore ee Soomaaliya oo todobaadyadii u dambeeyey booqasho ku marayey Putland ayaa wada olole ay ku dhiiri gelinayaan ciyaaraha, gaar ahaan kubadda koleyga iyo ciyaaraha fudud sida orodka iyo baaskiil-wadista.

Xulka kubadda cagta gobolka Nugaal oo xilligan ah horyaalka gobollada, wuxuu labadii sano ee ugu dambeeyey ku guuleystey tartanka kubadda cagta ee loo qabto dhammaan gobollada Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Oline
[email protected]
Puntland, Soomaaliya