4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 14, 2015
Ciidamada badda P/land oo qabtey in ka badan boqol qof oo tahriibeyaal ah
Sabti, Maarso 14, 2015 (HOL) — Ciidamada Badda Puntland ayaa hawlgal ay sameeyeen kusoo qabteen tahriibayaal isugu jira Somali iyo Itoobiyan xilli ay isku dayayeen inay xeebaha magaalada Boosaaso ka baxaan.

Tahriibayaasha oo tiradoodu gaareyso 106 qof waxaa lagu soo bandhigey dekedda magaalada Boosaaso, waxaana qaabkii lagu soo qabtey warbaahinta faah faahin ka siiyey saraakiisha ugu sarreysa ciidamada badda iyo booliska.

Taliyaha ciidamada badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye ayaa sheegay in dadkan laga soo qabtey meel magaalada Boosaaso dhowr kiilo mitir dhanka bariga kaga beegan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in gacanta lagu soo dhigey saddex qof oo kuwa wax tahriibiya ka tirsan kuwaasoo ay ku jiraan qaar hadda kahor lagu soo qabtay falal tahriib la xiriira.

Boqollaal tahriibeyaal ah ayaa sanad walba ka taga xeebaha gobollada Bari iyo Sanaag. Dadkaas oo Itoobiyaan u badan waxay u tahriibaan dalka Yemen oo marka dambena ay uga sii gudbaan wadamada Khaliijka gaar ahaan dalka Sucuuidga.

Hay'adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in sannadkii 2012 oo keliya dalka Yemen gaareen 84,000 oo tahriibayaal ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya