4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 14, 2015
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeer ku tegey suuqa Bakaaraha
/images/gallery/201484635427354271514666Xasan_Muungaab.jpg
Sabti, Maarso 14, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa maanta kormeer ku tegey suuqa Bakaaraha.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ciidan ayaa Guddoomiyaha kormeerkan ku weheliyey.

Mungaab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedada koowaad ee kormeerkani tahay sidii loogu kuur geli lahaa xaaladda guud ee suuqa.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay qiimeynayeen jidka  Bakaaraha dhex mara oo dhowaan laami la saarey.

Dowladda hoose ee magaalada Muqdisho oo kaashaneysa ganacsatada ayaa bishii hore ku guuleysatey inay laami saarto waddo dhererkeedu yahay 1km oo dhex marta suuqa.

Ganacsatada iyo dadweynaha ayaa si weyn usoo dhoweeyey dayactirka jidkaas lagu sameeyey iyagoo sheegay inuu qayb weyn ka qaadan doono fududeynta dhaq dhaqaaqa ganacsiga.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Oline
[email protected]
Puntland, Soomaaliya