4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 14, 2015
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kala diray Golaha adeegga Garsoorka

Sabti, Maarso 14, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u kala diray golaha adeegga Garsoorka Soomaaliya oo ka koobanaa sagaal xubnood ,waxaan digreetadan madaxweynuhu ku sheegay in jiritaankan golahan uusan waafaqsanayn sharciga.

Waxaa kaloo digreetada madaxweynaha u soo saaray ku cad in kala diridda golaha ay keentay cabasho joogta ah oo dadweynuhu ka soo gudbiyeen nidaamka cadaaladda ee uu ku shaqeeyo golaha adeegga garsoorka ee maanta la kala diray.

Halkan Hoose ka aqriso wareegtada  ka soo  baxday xafiiska madaxweynaha