4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 14, 2015
C/weli Gaas iyo Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Garowe ku kulmay



Sabti, Maarso 14, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdi-wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Khadra Bashiir Cali iyo mas’uuliyiin sare sare oo ka socday dowladda Somaliya.

Kulanka dhex maray madaxweynaha iyo wasiirka waxbarashada waxaa goob-joog ka ahaa qaar kamid ah golaha wasiirada Puntland ,waxaana diiradda lagu saaray xiriirka waxbarasho ee labada dhinac ka dhaxeeya.

“ Tayaynta iyo kor-u qaadista waxbarashada Soomaaliya iyo in xogo la is dhaafsado ayaa ahayd  muhiimadda kulankan  “ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada oo looga hadlay kulanka dhex mara labada dhinac.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya  Khadra Bashiir oo maalmo ka hor soo gaartay magaalada Garowe ayaa sheegtay in kulamo ay la  yeelatay madaxda maamulka ay guulo ku soo dhamaadeen.

Sidoo kale kulanka maanta waxaa looga hadlay sidii ardayda Soomaaliyeed looga tayayn lahaa waxbarashada iskuulada ,isla markaana si siman loogu qaybin lahaa fursadaha waxbarasho ee deeqaha loo helo.

Ugu danbayn, wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa isna sheegay in dhawaan xubno ka socda wasaaradda waxbarashada Puntland ay booqasho ku tagi doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]