4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 14, 2015
Golaha Adeegga Garsoorka oo ka soo horjeestay go'aanka Madaxweynaha


Guddoomiyaha Golaha Adeega garsoorka Caydiid Ilkaxanaf


Sabti, Maarso 14, 2015 (HOL) —  Shir ay isugu yimaadeen xubnaha golaha adeega Garsoorka Soomaaliya ayaa looga soo horjeestay digreeto uu soo saaray  madaxweynaah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,isla markaana lagu kala diray golaha adeegga Garsoorka ee dowladda Somaliya.

Waxaa shirkan oo ahaa mid aan caadi ahayn ka soo qayb-galay sideed xubnood oo kamid ah sagaalka xubnood ee uu ka kooban-yahay guddiga adeega Garsoorka oo uu ku jiro guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdulaahi (Ilka Xanaf).

“Halkan waxaa taala digreeto usoo qoray madaxweynaha Soomaaliya ee halaga hadlo  “ ayuu yiri guddoomiyaha golaha adeega garsoorka oo kulankan furay ,iyadoo dood dheer ka dib goluhu u soo saaray qodobo gaarayay ilaa iyo lix qodob ,waxaana kamid ahaa.

1: In golaha adeegga garsoorka kamid yahay 3-da tiir ee qaranku ka koobanyahay

2: In digreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya aaney waafaqsanayn dastuurka jamhuuriyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

3:In aanu jirin dastuur ama sharci madaxweynaha awood u siinaya in uu kala diro golaha adeega garsoorka ama gole kale oo Qaran.

4:In marka wax garsoor ku saabsan laga hadlayo sida dastuurku dhigayo madaxweynuhu uu helo ogolaanshaha golaha adeegga Garsoorka ,xitaa magacaabista xeer-ilaaliyaha iyo ku xigeenkiisa.

5:Hadii lagu kaco ama lagu dhaqaaqo talaabo garsoorka la xidhiidha oo aan lagala tashan Golaha Adeegga Garsoorka ,waa qayru sharci ,xitaa hadii goluhu yahay mid ku meel gaadh ah.

Ugu danbayn, waxaa kaloo qodobada shirka ka soo baxay in Golaha adeegga Garsoorka ee hadda jira sii wadayo ilaa laga dhisayo gole cusub,iyadoo digreetada madaxweynuhu uu soo saaray la sheegay in loo cuskaday in jiritaanka golaha uusan waafaqsanayn dastuurtka dowladda Soomaaliya.


Faysal Mohamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]