4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 13, 2015
Sarkaal Sare oo ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo Lagu Qaarijiyay Duqeyn

Jimco, Maarso 13, 2015 (HOL) — Weerar dhanka cirka ah ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab ee Somalia, kaasoo lagu magacaabi jiray Aadan Garaar, waxaana duqeyntan geystay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Sarkaalkan la dilay ayaa looga shakisanaa inuu ka dambeeyay weerarkii sanadkii 2013-kii ay Al-shabaab ku qaaday suuqa ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasoo ay ku geeriyoodeen 67-qof oo shacab iyo ciidamado isugu jiray.

Duqeyntan oo dhacday Khamiistii shalay ahayd ayaa lala beegsaday sarkaalka la dilay iyo laba sarkaal oo kale oo saarnaa gaadiidkii uu watay, kuwaasoo marayay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta sirdoonka Somalia oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in duqeyntan ay gacan ka siiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka oo Mareykanku uu leeyahay.

“Warbixinada aan helayno waxay sheegayaan in saddexdii sarkaal lagu dilay duqeynta… gaadiidkoodiinna lagu burburiyay duqeynta,” ayuu sarkaalkan ka tirsan sirdoonka Somalia u sheegay warbaahinta.

Dhanka kale, goob-jooge lagu magacaabo, Jaamac Mire ayaa sheegay inay maqleen qarax aad u xoog badan, kaddibna ay arkeen uuro madow oo cirka isku shareeraysa. Isagoo intaas ku daray in xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku baxeen deegaankii duqeyntu ka dhacday, balse dadka shacabka ah aanay awood u lahayn inay tagaan goobtaas.

Illaa hadda ma jiro war duqeyntan ku saabsan oo ay soo saareen Xarakada Al-shabaab ee Somalia iyo dowladda Mareykanka.

Ugu dambeyn, xukuumadda Washington ayaa dhowr jeer weerarro noocan oo cirka ah ka geystay deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Somalia, kuwaasoo ay ku dileen saraakiil sare oo Al-shabaab ka tirsan sida; Axmed Godane iyo Yuusuf Dheeg.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya