4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 13, 2015
Al-shabaab oo Guddoomiyaha Mandheera ku Weerartay Gudaha Dalka Kenya


Jimco, Maarso 13, 2015 (HOL) — Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta oo Jimco ah ku weerartay gudaha Kenya gaadiid uu la socday guddoomiyaha magaalada Mandheera ee Waqooyi-bari ee Kenya, Cali Ibraahim Roba, iyadoo weerarkan uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Carabiya.

Warar laga helayo gudaha Kenya ayaa sheegaya in weerarkan oo ku billowday baasuuke ay xoogaggii Al-shabaab ku tureen gaadiidka uu la socday guddoomiyaha Mandheera ayaa waxaa ku dhintay laba askari oo ka tirsan ilaaladii guddoomiyaha, laakiin Al-shabaab ayaa iyadu sheegtay inay weerarkaas ku dileen afar askari oo ilaalo u ahaa guddoomiyaha.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay weerarkaas fuliyeen kooxo xoogagooda ka tirsan, balse guddoomiyaha degmada Mandheera Cali Roba ayaan jirin waxyeello kasoo gaartay weerarkaas.

“Qaar ka mid ah xooggaggeenna ayaa weerarkan qaaday iyagoo nabad qaba ayay dib ugu soo laabteen goobihii ay markii hore ka duuleen, waxaana weerarka lagu dilay afar ka mid ah ilaaladii Cali Roba,” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo u hadlay Al-shabaab.

Dhanka kale, afhayeenka millateriga Kenya, David Obonyo ayaa xaqiijiyay in deegaanka xuduudda Somalia iyo Kenya ku dhow lagu weeraray gaadiid uu la socday guddoomiyaha degmada Mandheera, Cali Robo, isagoo aan bixin wax faafaahin ah oo intaas dheer.

Cali Roba oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay inuusan ahayn weerarkan kii ugu horreeyay oo lagu soo qaado, isagoo sheegay inuu aad ula yaaban yahay sababaha ay xukuumadda Kenya wax uga qaban la’dahay weerarrada ay Al-shabaab ku hayso isaga iyo deegaanka oo dhan.

“Waxaa wax lala yaabo ah in dowladda Kenya ay xoojisay ammaanka qaybo badan oo ka mid ah Kenya, sida deegaannada bartamaha dalkaas ku yaalla, laakiinse uu garan la’yahay sababta ay Mandheera iyo deegaannada xadka ku yaalla wax uga qaban la’dahay xaaladaha amni-xumo ee haysta,” ayuu yiri Roba oo ku daray hadalkiisa inuu kala garan la’yahay in Mandheera ay ka tirsan tahay Kenya iyo in kale.

Guddoomiyaha Mandheera ayaa xusay in xaalad amni-darro oo aan la aqbali karin ay ka jirto degmada Mandheera. Wuxuuna sheegay in ciidanka Kenya looga baahan yahay inay difaacaan shacabkooda intii ay difaaci lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee gudaha Somalia ku nool.

“Ma garanayo in xukuumadu ay sugayso inta aan ka dhimanayo, markaasoo aan filayo inay qaadi doonto tallaabooyin amniga lagu adkeynayo. Waxay ila tahay in xukuumadda Kenya ay sugayso inta laga iga dilayo, markaasoo aan u maleynayo inay dhab u ogaanayso amni-xumada ka jirta Mandheera,” ayuu ku daray hadalkiisa Cali Roba.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha degmada Mandheera Cali Roba ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii hore ee 2014-ka ka badbaadya isku-day la doonayay in lagu qaarijiyo. Kaddib markii gaarigiisa lala beegsaday qarax miino oo dhulka lagu aasay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya