4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 13, 2015
Jaamacadda Muqdisho oo qabatay siminaar ku saabsan Muhiimada Maamulka


Jimco, Maarso 13, 2015 (HOL) — Jaamacadda Muqdisho ayaa shaqaalaheeda u qabatay tababar ku saabsan habka maamulka is-tiraatiijiga ah iyo qorshaynata muddada dheer, kaas oo maanta lasoo gunaanaday, iyadoo ay tababarkan fududeeyeen tababarayaal caalami ah oo hoggaamiyay qaybihii kala duwanaa ee fulinta tababarkan iyo dajinta istiraatiijiyadda Jaamacadda Muqdisho shanta sano ee soo socota.

Barmaamijkan oo lagu qabtay Hotel Laico Regency ayaa wuxuu ka socday 03-dii iyo 07-dii bishan Maarso magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana  ka qayb-galay 20-xubnood oo ka socda hoggaanka Jaamacadda qaybaheeda kala duwan ee maamulka iyo akadeemiyada.

Ujeeddada ay ka leedahay jaamacaddu tababarka noocan oo kale ah waxaa ka mid ah in lagu barto tayeynta heerka hoggaanka tacliinta sare ee ku dhisan aragtida dheer, taasoo loo marayo jidadka kala duwan ee tababarida casriga ah; sida cashar-bixinta wadaagga ah, meel-marinta shaqooyinka, aragti is-waydaarsiga iyo waxqabadka wadajirka ah ee doodaha furan ee ay ka yeelanayee xubnaha tababarka qaadanayay mawduucyo kala duwan.

Nuxurka Tababarkan ayaa waxaa lagu soo ururiyay laba qaybood oo kala ah:    

1. Qayb duruus cilmi ah oo tababarku jeedinayo loona diyaariyay hab casri ah oo ku saab-san maamuka istiraatiijiga ah ee lagu maamulo marka ay is-bedellada waa-wayn samayna-yaan hay’adaha wax-soo-saarka iyo adeegga.

2. Dhisidda istiraatiijiyada shanta sano ee soo socda laga billlaabo 2016-ka illaa 2020-ka ay ku shaqayn doonto Jaamacadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Shiikh Axmed Abuubakar oo baraamijkan tababarka daah-furay ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyay tababaraha soona dhaweeyay isla markaana ku nuuxnuuxsaday ahamiyada xiriirka & iskaasiga hay’adaha horumarinta bul-shadu u leeyahay sare u qaadidda iyo tayeynta waxqabadkooda iyo qurxinta adeeggooda iyo waliba adkaynta xiriirka shacabkooda iyo waddamadooda.

Ugu dambeyn, Dr. Cali oo dul-mar ku sameeyey qorsho shan-sannadlihii u dambeeyay ee Jaamacada Muqdisho ayaa si gaar ah uga hadlay guulaha laga gaaray fulinta barnaamijkaas iyo horumarka jaamacadda Muqdisho ku tallaabsatay gaar ahaan tayeynta dadkeeda iyo waxbarashadeeda, wuxuuna ka rajeeyay xubnaha maamulka Jaamacadda ee u kulmaya dajinta istiraatiijiyada shanta sano ee soo socota inay  si aad ah u eegaan dhamaan qaybaha kala duwan ee Jaamacadda, soona saaraan qorshe wax ku ool ah oo ka qayb-qaata hurmarinta qaybaha akadeemiyda iyo maamulka, kaasoo lagu xaqiijin karo hormarka bulshada iyo dhaqaalaha qoyska Soomaaliyeed, sidii horeba looga bartay Jaamacadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya