4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 13, 2015
Ururka EFASOM oo Kismaayo tababar ugu qabatay shaqaalaha Waxbarashada


Jimco, Maarso 13, 2015 (HOL) — Tababar ku saabsan maamulka & maareynta shaqaalaha goobaha waxbarashada oo socday laba maalmood ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Tababarkan oo socday 11-kii illaa 12-kii bishan Maarso ayaa ujeeddadiisu ahayd tababar-kaasi wuxuu ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa heerka aqoonta iyo xirfadda bahda wax-barashada ku howlan.

Tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalay 25 qof oo ka kala socotay guddiga deegaanka wax-barashada, guddoonka waxbarashada ee gobolka, maamula-yaasha iyo macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, qaar ka mid ah jaamacaddaha iyo bulshada rayidka ah.

Maalinta koowaad ayaa waxaa la daraaseeyey xiriirka waxbarashada iyo horumarka ka dhexeeya; waxyaabaha saldhig u ah qorsheynta hannaanka waxbarashada iyo qaabka shaqaaleynta macallimiinta ama shaqaalaha kale.

Sidoo kale, maalintii labaad waxaa la daraaseeyay sida loo dhiso loona hago gudiyadda dugsiga sida guddiga waxbarashada deegaanka ama guddiga waalidka iyo macallimiinta; sida loo maamulo xarumaha waxbarashada iyo macallimiintooda iyo di-u-eegista muqararka.

Waxaa tababarka intii uu socday ka hadlay wasiir ku-xigeenka arrimaha bulshada dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed C/qaadir Cali; isagoo tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin tababarrada noocaan oo kale ah iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada dhanka tayada waxbarashada.

“Waa muhiim in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya waalidka iyo macallinka si loo gaaro hadafka sare-u-qaadista iyo iskaashiga wadashaqeyn ee ka dhaxeeysa labadan dhinac,” ayuu yiri wasiirku.

Mowduucyada laga hadlay waxaa ka mid ahaa waxyaabaha saldhigga u ah hannaanka wax-barashada sida in la helo kaabayaasha waxbarashada oo dhameystiran si loo xaqiijiyo shanta tiir ee waxbarashada ku taagan tahay sida macalin, arday, manhaj, qalab, iyo goobta waxbarashada oo amni ah.

Ugu dambeyn, tababarka waxaa dhiiri-gelisay wasaarada waxbarashada ee maamulka kmg ah ee Jubbaland ee degmada Kismaayo. Waxaana hirgeliyay ururka waddaniga ah ee u dooda waxbarasho loo dhan yahay (Education For All Somalia ee EFASOM) oo u taagan sidii loo xaqiijin lahaa in dadka Somalida helaan waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya