4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 13, 2015
Danjire Nicholas Kay oo Cambaareeyay Qaraxii ka dhacay degmada Baydhabo


Jimco, Maarso 13, 2015 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lala beegsaday xarunta madaxtooyada maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Somalia ee Baydhabo.

Danjire Kay ayaa sheegay in weerarrada noocan oo kale aysan hakad-galin doonin taageerada ay Qaramada Midoobay siiyo maamulka Koonfur-galbeed iyo guud ahaanba kuwa kale ee ka jira Somalia.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu xusay in beesha caalamku ay qayb ka qaadanayso dhismaha iyo tayeynta ciidamada Somalia, isagoo tacsi u diray ehelladii dadkii ku geeriyooday weerarradaas.

Weerarradaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay 10-qof oo isugu jira ciidamada dowladda, kuwa ka socda dalka Itoobiya ee AMISOM, xoogaggii Al-shabaab iyo dad shacab ah.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu xoogganaa oo Baydhabo ka dhaca tan iyo markii xilka madaxweynaha maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya