4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 13, 2015
Madaxweynaha Soomaaliya oo shir caalami ah kaga Qayb-galaya Dalka Masar


Jimco, Maarso 13, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Sharm El-Sheikh ee waddanka Masar halkaasoo uu kaga qeybgalayo shir madaxeed looga hadli doono horumarinta dhaqaalaha dalka Masar.

Shir madaxeedkan ayaa la filaya inay ka soo qeybgalaan madaxda waddamada dunida qaarkood, shirkadaha caalamiga ee ganacsiga iyo maalgashiga , ururro caalami ah iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inta uu joogo Masar inuu kulamo la qaato madaxda dalalka ka qeybgalaya shirkan, madaxda shirkadaha ganacsiga iyo mas’uuliyiin kale oo daneynaya inay Soomaaliya maalgashi ku sameeyaan.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin wasiiro, mas’uuliyiin kale iyo ganacsato, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Sharm El-Sheikh si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Masar Mudane Ibrahim Mehleb, saraakiil sare iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya