4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 12, 2015
Diyaarado Drones ah oo duqeeyay gaadiid ay la socdeen Saraakiil Shabaab ah


Khamiis, Maarso 12, 2015 (HOL) — Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa la sheegay inay duqeyn cirka ah la beegsadeen gaadiid kolonyo ah oo ay saraakiil ka tirsan Al-shabaab la socdeen.

Saraakiisha la weeraray ayaa waxaa ku jiray, Aadan Garaar oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada amniyaadka loo yaqaan ee Xarakada Al-shabaab oo u qaabilsan kooxdan dhinaca sirdoonka.

Weerarkan cirka ah ee lala beegsaday sarkiishan Al-shabaab ka tirsan ayaa ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, degmadaasoo ah tan keliya ee ay Al-shabaab maamusho gobolka Gedo oo dhan.

Aadan Garaar ayaa lagu warramayaa in duqeynta lagu burburiyay gaadiidkii ay wateen saraakiishan, balse lama sheegin inay ku dhinteen saraakiishii la socday gaadiidka iyo in kale.

Garaar ayaa la rumeysan yahay inuu xiriir dhow la lahaa xoogaggii 2013-kii weeraray suuqa ganacsi ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen 67-qof oo ay ka mid yihiin xoogaggii Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeyntan la sheegay in xubno saraakiishooda ka mid ah ay la beegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa dhawaanahan duqeymo cirka ah la beegsanayay saraakiisha Al-shabaab ee ku sugan deegaannada Koonfurta Somalia ku yaalla.

Bishii September ee sannadkii hore ayay ahayd markii duqeyn diyaaradeed ay Mareykanku ku dileen hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo abaanduulayaal la socday, duqeyntan oo ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya