4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 12, 2015
SAYLICI: Cida aan wax ka maqlayno waa labada Xisbi & Goleyaasha Qaranka


Khamiis, Maarso 12, 2015 (HOL) — Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa dhoolatus balaaaran oo uu ku muujinayo taageeridiisa ayaa maanta ku qabsaday magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay kaga hadlayeen arrimaha doorashooyinka iyo sida ay diyaar ugu yihiin inay doorasho dalka ka qabsoonto.

Dad lagu qiyaasay lix  kun oo qof ayaa iskugu yimid hoolka weyn ee Hoteelka Maansoor, waxaana dadweynaha kala qayb-galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, Marwada madaxweynaha Aamino Weris, xubno wasiiro iyo xildhibaanno iskugu jira.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay inay xukuumadda iyo xisbigeedduba diyaariyeen wixii kaga aadana qabsoomidda doorashooyinka, isla markaana aanay cidnaba ka aqballeen inay sharciga ka talaabsado.

Wasiirka ayaa sheegay in la dhaafay wakhtigii hanjaabadda, isla markaana aan qofna laga yeelayn inuu dastuurka ku xadgudbi, isla markaana koox iyo qoys toona amniga dalka waxba yeeli Karin.

Guddoomiye xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa  soo bandhigay heshiish dhexmaray xisbiyadda qaranka iyo madaxweynaha, waxaanu halkaasi loogu qaybiyey waraaqo madaxweynuhu u qoray dalalka ka caawiya doorashooyinka, isagoo u cadeeyey inuu diyaar u yahay inay dalka Doorasho ka dhacdo, isla markaana qaybtii kaga beegnayd uu bixiyey.

Kaahin ayaa sheegay in xukuumadda iyo xisbigeeddu ay diyaariyeen waxyaalihii kaga xidhnaa dhankooda, haseyeeshee waxa uu dhaliilay gudoomiyaha golaha Wakiiladda oo ah gudoomiyaha xisbiga WADANI oo uu sheegay in aanu illaa hadda diyaarin xeerarkii lagu soo dooran lahaa xildhibaanadda golaha Wakiiladda.

“Xisbiga Kulmiye, isagoo dastuurka ku dhaqmaya, isagoo ku dhaqmaya Shuruucda kale ee ka dheeganta, waxa uu diyaar u yahay Xilliyadda Marxaladaysan ee Komishanka doorashadu u soo marayaan doorashada qabsoomideeda inuu taageero, tii ay soo saareena waanu taageersanahay, marxaladdaha kale ee doorashada loo maro marka ay xaaladdahan oo kale gashana Sharcigaanu ka taaganahay oo Sharciga ayaanu waafaqsanahay” ayuu yidhi Kaahin.

Sidoo kale, Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, oo isna Munaasibada hadal ka jeediyay ayaa sheegay inaanay soconayn in la kala diro Golaha wakiilada. Waxa uu ugu baaqay cidii golaha ka tirsan ee iskaga tagaysa inay fasax yihiin balse aqlabiyadda golaha wakiiladda oo uu ku tilmaamy kulmiye inay dalka u shaqayn doonaan haddii ay iskaga tagaan inta doonaysa buu yidhi in la kala diro golaha Wakiiladda.

“Cid kala diri karta ma jirto, golaha wakiiladu waxay u badan yihiin xisbiga kulmiye, intii doonaysa inay iskaga tago waanu macasalaamaynayaa waxaana shaqayn doonna aqlabiyadda golaha”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka Wakiiladda Baashe Faarax.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa xisbiyadda mucaaradka ku eedeeyey hadallada ka soo yeedhay, isla markaana sheegay inta badan mucaaradaan xukuumadda.

“Waxaynu ognahay in gudiga doorashoooyinka qaranku cadeeyeen wakhtiga ay bilaabmayso diwaangalinta codbixiyayaashu.sadexda xisbina ku raaceen arinkaa. Muda xileedka xukuumadu marka uu dhamaado 26 june 2015 waxaa la raacayaa tastuurka.xukuumada ayaa sii wadi doonta hawlaheeda, dalakuna nabad ayuu ahaan doonaa ilahay idankii.” Ayuu  yidhiMr Muuse Biixi oo u jawaabay xisbiyadda mucaaradka ah.

Wuxuu mar kale yiri “Xisbiyada mucaaradka waxaanu ugu baaqaynaa inay u garnaqsadaan hab sharciga waafaqsan,kana dhowrsanaadaan wixii xamaasad kicinaaya,Xisbiga kulmiye waxa uu aaminsanyahay in midnimadu ka wanaagsantahay khilaafka,waxanu hubnaa inta aynu heshiiska ku nahay  ayaa ka badan intaynu isku diidanahay. Xisbiga kulmiye waxa uu diyaar u yahay inuuu dhagaysto talada mucaaridka, wuxuu diyaar u yahay wixii duul duul ah ee kaga yimaada mucaaridka, waxaanu leenahay khilaaf kasta ha lagu dhameeyo wadahadal iyo isqancin.”

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa soo xidhay munaasibadan lagaga hadlayey sida uu xisbiga kulmiye diyaar ugu yahay doorashooyinka, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Iyadoo aynu ku jiro wakhti kala guur ah, doorashadu way qabsoomaysaa laakiin, arrimo farsamo ayay dib ugu dhacaysaa. Haddaynu nahay umadda Somaliland waxaynu halkan ku soo gaadhnay isku tashi iyo isku tanaasul, marna inagamay sal guurin inay wax inaga qaloocdaan, haddii ay qaloocdaana inagumay dheeraan, maantana wax inaga xumaanayaa ma jiro” .

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in Xukumaddani tahay mid u dhego nugul Mucaaradka, diyaarna u ah inay ka tashadaan doorashada, diwaangalinta iyo guud ahaan danaha ka dhexeeeya. Waxa uu mucaaradka ugu baaqay inay hadaladooda ku saleeyaan xaqiiq “Sida Mucaaradka iyo inta soo raacdaa u hadlaan runtii mid anshaxa,islaamnimada iyo dadnimada ka baxsan weeye”.

Madaxweyne xigeenka ayaa sheegay in cida ay arrimaha doorashooyinka kala tashanayaan tahay xisbiyadda iyo goleyaasha Qarnka ee sharicigu dhigayo, isagoo farta ku fiiqay in madasha wadatashiga dastuurka ku jirin, isla markaana sharci daro tahay.

“Dalka sharci ahaan waxaa jira saddex Xisbi Qaran, cidda aanu wax ka dhegaysanayno ee aanu la fadhiisanaynaa, ee doorashada ka wada hadlaynaa waa labada Xisbi Qaran iyo goleyaasha Qaranka,”ayuu yidhi Saylici.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland