4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 12, 2015
Soomalida Gobolka Alberta ee dalka Canada oo ka hadashay eedeyn ka dhan ah Imaamka Masjidka Calgary


Khamiis, Maarso 12, 2015 (HOL) — Hoggaamiyeyaasha bulshada Somalida ah ee ku nool Gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa si wadajir ah uga soo wadajeysta  eedeymo lagu soo oogay Imaamka Masjidka magaalada Calgary ee gobolka Alberta, Shiikh Cabdi Hirsi, iyagoo sheegay inay tahay eedeyntaas mid aanay waxba ka jirin.

Imaamka ayaa waxaa laga soo dacweeyey maxkamad ku taala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayada oo lagu  eedeeyay inuu galmo anshax-darro ah ku kacay

Imaamka masjidka Calgary ayaa dhowr jeer isku dayay inuu eedeymaha la dul-dhigay uu ka jawaabo, isagoo isku dhiibay ciidamada ilaalada xuduudda Mareykanka iyo Canada.

Tan iyo markii uu tagay Sheekhu dalka Canada wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon bulshada Soomaaliyeed ee Canada ku nool, isagoo si dhow ula shaqeynayay bulshada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee Muslimka ah.

Golaha Muslimiinta magaalada Calgary ayaa u doortay Sheekh Xirsi inuu ka noqdo Imaam masjidka magaaladaas ku yaalla, isagoo tan iyo xilligaas ahaa imaamka Masjidka Calgary.

“Imaamku wax lug ah kuma lahan dambiga lagu eedeeyay,” ayuu yiri Abdul Jalil Elkedri oo xubin ka ah golaha muslimiinta magaalada Calgary dalka Canada.

Sidoo kale, xubnaha golaha muslimiinta Calgary ayaa waxay warbaahinta ku eedeeyeen inay si xun uga hadlaan eedeynta lagu soo oogay Imaamka Xirsi, iyagoo ugu baaqay inaysan ka tallaabsan sharciyada warbaahinta u yaalla oo aysan suurad xumeyn eedeyntan.

“Waxaan rumeysannahay in Imaamku uusan lug ku lahayn eedeymaha lagu soo oogay, balse waxaan dalbanaynaa inuu cadaalad helo,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraal ay soo saareen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Calgary.

Ugu dambeyn, bulshada Soomaaliyeed ee Canada ku nool ayaa sheegay in Sheekhu uu u hayay howl wanaagsan, iyagoo sheegay inay garab-taagnaan doonaan illaa eedeymaha lagu soo oogay uu ka beenoobayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya