4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 12, 2015
Kulan lagu Dalbanayay Sii-deynta Col. Cukaashe oo Beledweyne lagu Qabtay


Khamiis, Maarso 12, 2015 (HOL) — Kulan uu qabanqaabadiisa lahaa Ururka Midowga dhallinyarada gobolka Hiiraan, islamarkaana lagu dalbanayay sii-deynta, Col. Cismaan Cilmi Guure [Cukaashe] ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ay ka qeyb-galleen mas'uuliyiin, odayaal dhaqameed, dhalinyaro iyo xubno ka tirsan ururka haweenka ayeey ku soo bandhigeen ka qeyb-gallayaasha dareenkooda ku aadan sidda ay uga xun yihiin xariga Col Cismaan Cilmi Guure Cukaashe, iyaga oo dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan xoryadiisa loo siiyo.

Nabaddoon Maxamed Sheekh Aadan oo ka mid ahaa odayaashii ka hadllay kulanka ayaa ku eedeyay dowladda gaar ahaan laamaha cadaallada inaysan wax ka qaban arrintan, madaama Col Cukaasha mudo ka badan lix bilood xirran yahay iyada oo aan la soo taagin wax maxkamad ah.

“Baaqan aan jeedineyno waa mid ku socday mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda iyo laamaha garsoorka intaba, waxaan leenahay qofka danbiile waa uu noqon karaa, laakiin waa in danbiga loo heysto maxkamad ku cadeysaa, wax la aqbali karro ma'aha in qof uu iska xirnaado waqti intaa la eg, iyadoo aan wax maxkamad ah la horkeenin, mas'uuliyiinta dowladda iyo laamaha garsoorka waxaan leenahay waa in sidda ugu dhaqsiyaha badan xabsiga looga sii daayaa Col Cukaashe, haddii uu shaqsi u xirran yahay oo ay dowladda ka warqabin xarigiisana la cadeeyaa'' ayuu yrii nabadoon Max'ed Sheekh Aadan.

Nabaddoon Faarax Raagge oo ka mid ahaa odayaashii kulanka ka hadllay ayaa dhinaciisa wax laga xumaado ku tilmaamay wax uu ugu yaaray cadaallad darrada ka dhax jirta dowladda, isaga oo sheegay in xarriga Col. Cukaashe yahay xadgudub shaqsi ah iyo ku tumasho awoodeed.

“Dabcan qofka marka ay maxkamad xukun ku rido xarigiisa waa wax la fahmi karo, laakiin waxaan oran karnaa waa xadgudub shaqsi ah iyo ku tumasho awoodeed in qof meel leysaga hayo mudo sanad ku dhaw, isaga oo aan ogeyn sababta loo heysto iyo cidda xukunkaa ku ridday ayuu yiri'' nabadoon Faarax Raagge.

Col. Cukaashe ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay in uu gabay ku weeraray taliska sare ee ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah mas'uuliyiintii kulanka ka hadllay ayaa sheegay in qofka afgaartiisa iyo aragtidiisa shaqsiga ku cabri karo suugaan, isla markaana uusan garaneynin sababta taa lafirkeeda ay danbi ku noqon karto.

“Qofka aragtidiisa shaqsiga ah iyo fikirka isaga u gaar ah ee ku jira qaabka uu doono ayuu ku soo bandhigi karaa. sidda daraadeed in qof loo xiro fikir iyo aragti uu isaga aaminsan yahay ayaan lafirkeeda la ogeyn sida ay sharci ku tahay ayuu yiri'' mas'uulka kulanka ka hadlay.

Maryan Cilmi oo ka mid ahayd haweenkii ka qeyb-galay kulanka ayaa sheegtay in laamaha cadallada dowladda looga fadhiyo in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan tallaabo uga qaadaan xariga Col Cukaashe oo ka mid ah ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa noqonanaya kii ugu horeeyay qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada ku dalbadaan sii deynta Col Cismaan Cilmi Guure Cukaashe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya