4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 12, 2015
FAAHFAAHIN: Qaraxii Maanta Baydhabo ka dhacay iyo Al-shabaab oo Sheegatay


Khamiis, Maarso 12, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo isugu jira ciidamada Somalia, kuwa Itoobiya, xoogaggii Al-shabaab iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday weerar culus oo ismiidaamin ahaa oo ay Al-shabaab ku qaadeen xarunta madaxtooyada Baydhabo oo uu xilligaas ku sugnaa madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan.

Wasiirka Amniga maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, C/fataax Ibraahim Geesey ayaa sheegay in saddex nin oo hubeysan oo dharka ciidamada dowladda Somalia ku labisnaa ay soo weerareen, laakiinse ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay dilaan.

“Maanta abaarihii 10:00 barqonimo xubno ka tirsan nabadiidka ayaa waxay weerar kusoo qaadeen agagaarka madaxtooyada, muddo kooban kaddibna waxaa lagu guuleystay in la dilo saddexdoodiiba,” ayuu yiri C/fataax Geesey oo la hadlay BBC-da.

Sidoo kale, Geeseey ayaa intaas ku daray in weerarkaas ay ku dhinteen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada xarunta madaxtooyada oo xilligaas howshooda waday.

Wasiirka oo la weydiiyay su’aal ahayd inay dayacaad ka jirto madaxtooyada Baydhabo maadaama maalin cad lasoo weeraray, ayaa ku jawaabay inay ahayd xog ay hayeen in weerar ay damacsanaayeen, isla markaana gaariga qarxay ay ka degeen ka hor inta aanu weerarka dhicin, balse in xarunta ay soo gaaraan ay ku guul-darreysteen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Itoobiya looga dilay dagaalka laba askari, halka ciidamada dowladdana ay ka dhinteen saddex askari oo lagu dilay qarax.

Guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Isbitaalka guud ee Baydhabo ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay weerarka, iyadoo weli laga dareemay Baydhabo xirxirnaan dhanka ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Dhanka kale; wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in gaariga uu ku qarxay ciidammo ka tirsan kuwa milateriga Soomaaliya oo madaxtooyada ku wajahnaa.

Xarakada Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegay inay ku dileen saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo soo gurmaday markii weerarka uu billowday.

Ugu dambeyn, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu la hadlay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla markaana uu nabad-qabo, isagoo cambaareeyay weerarkii maanta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya