4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 12, 2015
Qarax Khasaare Badan Sababay oo lagu Weeraray Madaxtooyada Baydhabo

Khamiis, Maarso 12, 2015 (HOL) — Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab oo xirnaa dharka ciidamada Somalia ayaa weerar Ismiidaamin ah ku qaaday gaadiid ay wateen ciidamada dowladda Somalia oo marayay meel ku dhow xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur-galbeed ee Baydhabo, sidoo kale waxay kooxdu weerartay fariisin ay ku sugnaayeen askar ka tirsan kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

Weli si dhab ah looma hubo khasaaraha rasmiga ah ee weerarradan ka dhashay, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay ku dhinteen lix qof oo ay ku jiraan ciidamada Itoobiya ay ku dhinteen weerarradan.

Xabadaha ayaa weli socda iyadoo Baydhabo oo dhan ay xiran tahay xilligan,  rasaastuna ay weli dhacayso.

Qaraxa ayaa qaraxa lagu fuliyay ayaa waxaa saarnaa qaar ka tirsan ciidamada milateriga ee qaybta 60-aad, gaariga noociisa waa gawaarida loo yaqaano NOAH, dhaawac aad u tira badan ayaa la geeyay Isbitaalka guud ee Baydhabo.

Waxii Faahfaahin ah did ayaan idin kugu soo gudbin doonnaa.

Hiiraan Online, Baydhabo