4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 12, 2015
Kenya oo Maxaabiis Somali ah oo Dalkeeda ku Xiran kusoo celinaysa Somalia


Khamiis, Maarso 12, 2015 (HOL) — Maxkamadda ku taalla Mombasa ee wadanka Kenya ayaa ayaa amartay in dib loogu celiyo Soomaaliya 10-ruux oo lagu tuhunsan yahay inay ahaayeen burcad-badeed kuwaasoo toban sano oo xarig ah ay ku xukuntay maxkamadda ku taalla Mombasa.

Garsooraha maxkamada sare ee Mombasa, Muya ayaa amray in muddada xukunkooda ka hartay oo afar sano ah ay dhallinyaradan Soomaaliyeed ku dhameysan doonaan dalkooda; iyagoo lagu helay dambi ah afduub markab marayay biyaha dalka Yemen.

Muya ayaa sheegay in Somalia ay soo martay is-bedello kala duwan, balse haatan uu xasil-loon yahay, sidaa awgeed dadka loo haysto dambiyada ee kasoo jeeda Somalia ay wanaag-san tahay in xukunkooda ku qaataan meel u dhow ehelladooda.

Dhallinyaradan Soomaaliyeed ee tobanka ah ayaa la xukumay 05 November, 2013-kii, kadib markii ay maxkamadu ku heshay dambi burcad-badeednimo ah. Balse raggan ayaa dafiray inay burcadbadeed ahaayeen, iyadoo la xusay in lagu helay qoryaha Ak-47 ah oo ay ku weerareen Markab lagu magacaabo MV Maria; ayna cabsi ku abuureen shaqaalihii markabkaas la socday.

Safiirka Somalia u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa isna xusay inuu rajo ka qabo in dowladda Kenya ay ogolaan doonto in 10-kaan ruux ee Soomaalida ah loo wareejiyo dalkooda si ay xabsiga inta u hartay ugu dhameystaan dalkooda.

“Maxaabiista ku jira xabsida Kenya 97-qof oo loo haysto burcadbadeednimo, waxaana rajeynayaa in dhamaantood dib loogu celin doono Somalia,” ayuu yiri danjire Ameeriko oo la hadlay warbaahinta.

Ugu dambeyn, sagaal ka mid ah dhallinyaradan ku eedeysan burcadbadeeda ayaa waxay ku xukuman yihiin 20-sano oo xarig ah, sided ka mid ahna 10-sano oo xarig ah; halka 44 ka mid ahna uu mid walba ku xukuman yahay 7-sano oo xabsi ah.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaali badan oo burcadbadeednimo ku eedeysan ayaa ku xiran dalalka caalamka intooda badan, kuwaasoo ay ku jiraan kuwa reer Yurub iyo Mareykanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya