4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 12, 2015
Wasiirka Amniga Gudaha oo ka Warbixiyay Qaraxii Xalay ka dhacay Muqdisho


Khamiis, Maarso 12, 2015 (HOL) — Wasiirka Amniga Gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay dhabarka dambe ee Hoteelka Maka Al-Mukarama, isagoo amaanay sida ay ciidamada dowladda uga hortageen qaraxaas.

C/risaaq Cumar ayaa sheegay in afar ruux oo ka tirsan kooxihii doonayay in ay weerarkaas fuliyaan gacanta lagu dhigay, isla markaana la fashiliyay weerarkii ay damacsanaayeen.

“Ciidamada booliiska iyo kuwa nabdsugidda waxay si geesinimo leh uga hortageen qaraxa oo ahaa mid la doonayay in xalay la fuliyo, waxaa lasoo qabtay afartii ruux ee ka tirsanaa Al-shabaabka ee gaariga qarxay watay,” ayuu yiri wasiirka amniga.

Sidoo kale, wasiirka amniga gudaha ayaa amaanay sida shacabka ay gacan ugu siiyeen ciidamada amniga, taasoo sahashay sida uu sheegay in qaraxa laga hortago, isagoo xusay in wada-shaqeyntan oo sii socota ay gacan weyn ka geysanayso sugidda amniga dalka.

Fiidnimadii xalay ayay ahayd markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay dhabarka dambe ee Hoteelka Maka Al-Mukarama, iyadoo uu qaraxaas dhaawac kasoo gaaray mid ka mid ah kooxhihii doonayay inay fuliyaan qaraxa.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxa ayaa la maqlay inta badan Muqdisho iyadoo ay xigtay rasaas badan oo ay fureen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta ku sugnaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya