4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Madaxweynaha Puntland iyo Danjire Nicholas Kay oo Garoowe ku kulmay
IMG_0048Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Niicholas Kay oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland Cabdi-wali Maxamed Cali Gaas.

Ujeedka ergayga uu u yimid ayaa ahayd ka qayb-galka munaasabad lagu daah-furayay mashruuc Midwoga Yurub uu taageerayo ,kaasi oo lagu dayactirayo jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe.

Labada masuul ayaa kulan gaar ah oo albaabadu u xirnaayeen ku yeeshay xarunta madaxtooyada Garowe ,xili saxaafaddu ay dibad-joog ka ahayd kulankan dhexmaray madaxweynaha iyo danjire Kay.

‘’Waxaa sharaf weyn inoo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweynno wakiilka xoghaya Guud ee QM ee Soomaaliya oo maanta nagu soo booqday Garowe imaanshihiisana waan ku faraxsanahay waana markii todobaad oo uu noo yimaado ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo warbaahinta lahadlay kulanka ka dib.

“Kulankii na dhexmaray waxa uu ahaa mid si wanaagsan ku soo dhamaaaday ,waxaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee Somaaliya gaar ahaan isbadallada amniga iyo dimuqraadiyadda Puntland “ayuu mar kale yiri madaxweynaha.

Dhinac kale ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo isna maanta soo gaaray magaalada Garowe ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland ,lamana shaacin waxa ay sida gaarka ah uga wada hadleen.

Ugu danbayn,madaxweynaha Puntland ayaa madaxtooyada ku casuumay inta badan hay’adaha deeqaha bixiya iyo mas’uuliyiin ka socday dowladaha dariska la ah Somaliya si ay goob jooga uga nqodaan mashruuca dhismaha iyo dayactirka wadada isku xiraysa magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]