4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Kulan looga hadlay Ammaanka oo Maanta ka dhacay Beledweyne (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) —  Kulan ballaaran oo ay ka qeyb-galeen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa looga dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Kulanka oo ahaa mid uu shir guddoominayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa looga wadda-hadallay intiisa badan xaalada ammaanka gobolka, gaar ahaan degmada Buula-burte oo ay go'doomin ku hayso Al-shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax iyo taliyaha ciidamada AMISOM ee gobollada dhexe Col. Cabdoow oo wadajir saxaafada u la hadlay ayaa xusay in kulankoodu ahaa mid looga wadda-hadallayay bilowgga qorshe la doonayo sidii gobolka intiisa kale looga saari lahaa Al-shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka saaran tahay mas'uuliyad amaanka gobolka, sidda daraadeed wixii hadda ka danbeeya aan loo dul-qaadan doonin sida uu hadalka u dhigay xaaladda ka jirta degmada Buula-burte, iyadoo la go'aansaday in la qaado tallaabo deg-deg ah oo lagu samata-bixinayo dadka ku degmadaas ku dhibaateysan, iyadoo loo sii marayo in meesha laga saaro go'doominta Al-shabaab.

''Arrintan waan ka wadda hadalnay mas'uuliyiinta dowladda federaalka, waxaana leysku afgartay in sidda ugu dhaqsiyaha badan dadkaas loogu gurmado, maxaa yeelay mas'uuliyad ayaa naga saaran nolasha dadka ay dhibaateynayaan Al-shabaab,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Ku-simaha guddoomiyaha degmada Buula-burte Liibaan Cabdi Burusow ayaa sheegay in ay jiraan dad sida uu hadalka u dhigay gaajo ugu geeriyooday degmadaas, kaddib markii ay waayeen wax ay quutaan.

Ugu dambeyn, kulanka ka dhacay Beledweyne ee looga wadda hadallayay amniga guud ee gobolka ayaa dhanka kale lagu soo hadal qaaday ammaanka magaalada Beledweyne oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen falal amaan-darro, waxaana la isku afgartay in ciidammo gaar ah loo diyaariyo wax ka qabashada falalka amaan darro ee mar marka qaar ka dhaca magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya