4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Qarax Caawa ka dhacay Agagaarka Hoteel Maka Al-Mukarama iyo Booliiska oo ka Hadlay


Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Qarax xoogan oo dhawaaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor-dhow ka dhacay agagaarka Hoteelka Maka Al-mukarama ee Muqdisho oo ku yaalla waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, kaas oo aan illaa hadda la ogeyn wixii khasaaro ah ee ka dhashay iyo cidda lala beegsaday.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhashay gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay, kaasoo ay ciidammo ka tirsan kuwa amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ku raad-joogeen xilligaas.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray, kuwaasoo xiray goobta oo dhan, iyadoo ay adag tahay in xog badan laga ogaado qaraxan iyo sida uu u dhacay.

Afhayeenka booliiska gobolka Banaadir, Col. Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gaariga qarxay uu ahaa mid ay ciidamada amniga dowladdu daba socdeen gaariga intii uusan qarxin, isagoo xusay in la qabtay ruuxii gaarigaas waday.

"Waxay ciidamada amniga dowladdu ku guuleysteen inay qabteen ruuxii fuliyay qaraxan oo ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay," ayuu yiri Col. Rooble oo intaa ku daray inay goor-dhow soo bandhigi doonaan khasaarihii qaraxan ka dhashay.

Dhanka kale, wararka aysan HOL xaqiijin karin oo laga helayo goobjoogayaal ku sugnaa halka uu ka dhacay ayaa sheegaya in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo Qaraxaan ka dhashay, inkastoo uu burbur xooggan u geystay qaar ka mid ah dhismayaashii goobta uu qaraxu ka dhacay ka ag-dhawaa. 

Faahfaahintii kusoo korortan Qaraxan waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya