4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Mareykanka oo diyaarad nooca basaaska ah ku wareejiyay ciidamada Uganda


Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Xukuumada Mareykanka ayaa sheegtay inay diyaarad kuwa wax basaasa ah ku taageerayaan ciidamada dalka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) si ay qayb uga qaadato raadinta xogaha Xarakada Al-shabaab.

War-saxaafadeed laga soo saaray safaarada Mareykanka ee Kampala ayaa lagu sheegay in diyaaraddan nooceedu yahay CESSNA 208B ay ciidamada cirka dalka Uganda ku wareejin doonaan.

Diyaaraddan ayaa waxaa ciidamada Uganda ku wareejin doona qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ee dalka Uganda ku sugan, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka safaaradda Mareykanka ee Kampala; iyadoo diyaaradan ay noqonayso tii ugu horreysay nooceeda oo Washington ay ku wareejiso ciidamada Uganda.

“Taageeradaan diyaaradeed waa mid lagu xoojinayo awoodda ciidamada cirka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AU-da ee Somalia AMISOM si howlgallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab loogu adeegsado," ayaa lagu yiri warka saxaafadda kasoo baxay.

Safaarada Mareykanka ee dalka Uganda ayaa intaas ku dartay in tallabadaan ay tahay mid ay ugu talo-galeen kordhinta awoodda ciidamada, iyadoo soo ururin doontaa macluumadka saldhgiyada Al-shabaab ay ku leeyihiin gudaha Somalia.

Xukuumadda Uganda ayaa Somalia u soo dirtay ciidamo sannadkii 2007-dii, kuwaasoo ah ciidamadeeda ka socda ururka Midowga Afrika ka jooga gudaha Somalia, kuwaasoo gacan ka siinaya dowladda  Somalia dagaallada ay kula jirto Al-shabaab.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan wasaaradda amniga gudaha DFS ay sheegtay in lagu wareejin doono diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu adeegsadaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya