4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Danjiraha Birtain ee Itoobiya


Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Madaxweyne, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay haweenayda danjire ku xigeenka uga ah Britain dalka Itoobiya, Cat Evans oo markii u horreysay Hargeysa timid tan iyo intii lagu soo bedelay safiir ku xigeenkii hore.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland, Mowliid Axmed Ibraahim ayaa sheegay in ujeeddada kulankan uu ahaa mid is-barasho ah, isla markaana danjire ee ku xigeenkan & madaxweynuhu ka wada hadleen xidhiidhka labadda dhinac.

“Halkan  Madaxweynuhu wuxuu ku qaabilay haweenayda safiir ku xigeenka Ingiriiska uga ah safaaradda Addis Ababa. haweeneydan waa markii u horaysay ee ay Somaliland timid, waxay Addis Ababa timid todobaadkii hore waxayna Somaliland ku timid socdaalkeedii u horeeyay”ayuu yidhi wasiir ku xigeenku wuxuu intaas ku daray “Waxayna Madaxweynaha ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo shaqadeeda ay qaabilsanaan doonto, waxa kale oo ay ka hadleen waxyaabaha ay UK inaga caawiyaan sida doorashooyinka, wadahadalada Somaliland iyo Somalia iyo arrimo kale oo badan”.

Safiir xigeenka Ingiriiska ee Itoobiya, Cat Evans ayaa iyaduna sheegtay in wadahadal iyo is-barasho ah dhexmaray madaxweynaha, isla markaana ka wada hadlay sidii loo xoojin laha xidhidhka labadda dhinac iyo sidii horumarka Somaliland uga qaybqaadan lahayn.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan ku Imaado Somaliland, bookhashadaydii ugu horaysay, wayna I xiiso galinaysaa, waxaanay dhiiri galinaysaa Iskaashiga laba geesoodka ah ee aan Somaliland la leenahay iyo taariikhda dheer ee labada dal ka dhexeysa. waxaan madaxweynaha ay wada-yeelanay wadahadallo miro-dhal, waxaanan rajaynayaa inuu sii socdo wada xaajoodku” ayay tidhi Am.Cat Evans.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland