4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
AFHAYEENKA Siilaanyo oo Maanta ka Jawaabay Baaqii Xisbiyada Mucaaradka

Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay dhawaaqii kasoo yeedhay isbahaysiga mucaaradka Somaliland ee ay kaga hadlayeen in loo sameeyo muddo kordhin xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

“Shalay waad arkayseen qolo mucaarad ahi inay isku yimaadeen iyagoo ku dhaaranayay in 26-ka Juun wixii ka dambeeya aanay dowladi jiri doonin, sharciga waxaas ay ku hadleen meel ku yaallo ma hayno, doorashadu mar kasta way dhacaysaa oo waa ina Daan-wayne in ay Dhacdo oo wakhtigeeda ayay dhacaysaa, Marka uu Qaranku u garto ayay doorashadu dhacaysaa cid diiddanina ma jirto, dalkuna inuu doorasho wax ku noqonayo cid walba way og-tahay,” ayuu yidhi Afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.

Dhuxul ayaa xusay in hadalkii kasoo yeedhay mucaaradku yahay hadal aan loo meel dayin, isla markaana ay khalad tahay in ay ku dhowaaqaan in dawlad ku meel gaadh ah lag dhisi karo Somaliland.

“Hadalka kasoo baxaya nimankan waa hadal aan tudhaale lahayn. waa hadal aan loo meel dayin, hadal aan lagu qiimayn marxaladda uu dalku marayo,” ayuu yiri, wuxuuna raaciyay. “Waxaanu leenahay hadalka aad dadka ku oranaysaan u tura, waxaanu la imanaynaa bar-naamij siyaasi oo umada ayaanu u soo bandhigaynaa. wixii qaran kani qabtay waanu soo bandhigaynaa, Tallaabooyinka uu Qarankani qaaday ayaanu shacabkeenna u bandhigaynaa hala imanina wax kale oo taas ka duwan ee wixii aad umada u haysaan u soo bandhiga.”

Hadalkan afhayeenka ayaa ka dambeeyey ka dib markii xisbiyadda mucaaradku sheegeen in aanay aqballi Karin in muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo marka ay gaadho muddo xileedkiisa oo ku beegan 26 june, ee sanadkan, kuwaas oo ku baaqay tallo qaran oo la iskaga yimaaddo cidda hogaamin doonta maalintaasi wixii ka dambeeya si doorasho dalka loo gaadhsiiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland