4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Dalka Shiinaha oo la sheegay inuu ka jiro ganacsi lagu Kala iibsado Carruurta


Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ganacsiga carruurta yar-yar oo sharci-darro ah uu ka jiro gudaha dalka Shiinaha, iyadoo sidoo kale la sheegay in caruurta iibka lagu xayeysiiyo Internet-ka.

Caruurta la iibinayo ayaa waxaa la sheegay in loogu marmarsiyoodo inay qaadanayaan dad aan caruur dhalin, iyadoo booliiska waddankaas ay wadaan dadaallo ay ku joojinayaan ka ganacsiga carruurta.

Mid ka mid ah xayeysiinta carruurta sida ay qortay BBC-da ayaa lagu soo bandhigay gabar sideed bilood jir ah oo lagu iibinayo lacag gaaraysa 30-kun oo doollarka Mareykanka ah.

Dalka Shiinaha ayaa waxaa kusoo kordhaya caruurta loo xayeysiinayo in la iibsado si ay u korsadaan dadka aan owlaadda lahayn, iyadoo tni ay sharci ka tahay dalkaas, balse uu mamnuuc ka yahay in la iibiyo carruurta.

Sidoo kale, dalka Shiinaha ayaa la sheegayaa in sannad walba afduub ahaan loo qabsado in ka badan 20,000 oo ilmo ah, iyadoo intooda badan ay kuwa afduubay ay dib u iibsadaan.

Inkastoo xukuumadda Shiinuhu aysan daabicin tirada rasmiga ee ilmaha la afduubo; had-dana kuwa kala gudbiya carruurta ayay dhici kartaa in xukunno dil ah lagu rido haddii lagu helo falkaas.

Ugu dambeyn, dadka u ololeeya ka hor-tagga arrintan ayaa rumeysan in loo baahan yahay in si adag loo ciqaabo kuwa doonaya inay iibsadaan ilmo, waxaana keenta iibinta carruurta baahida u qabaan inay ilmo ay korsadaan lamanayaasha aan caruurta dhalin.

Si kastaba ha ahaatee, Wadanka Shiinaha ayaa ah dalka caalamka oo dhan ay dadkiisu ugu badan yihiin, waxaana tirada dadweynaha dalkaas ay sare u dhaaftay haatan 1.5 bilyan oo qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya