4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Booliiska oo Shaaciyay inay Jidadka Muqdisho dhigayaan Ciidan Amniga Suga


Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Taliska booliiska Somalia ayaa shaaciyay maanta inay ciidammo dheeraad ah ku xoojinayo ammaanka waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, iyadoo sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu adkeynayo xasilloonida caasimadda.

Afhayeenka booliiska, Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ciidammo tababbar uu uga socdo Muqdisho iyo kuwo dibadda lagu soo tababaray ay la wareeji doonaan dhawaan amniga waddooyinka Muqdisho, si ammaanka loo adkeeyo.

“Waxaa socda qorshe lagu sugayo amniga guud ee caasimadda, waxaana la geyn doonaa waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, si ay ammaanka guud ee caasimadda uga qayb-qaataan,” ayuu yiri Col. Rooble.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay inuu socdo qorshe guud oo ammaanka Muqdisho lagu xoojinayo, gaar ahaan degmooyinka gobolka, wuxuuna ku daray intaas in shantii qoysba ay yeelan doonaan laan kala shaqeyn doonta sugidda amniga.

Hadalka afhayeenka u hadlay booliiska ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Wasaaradda Amniga Gudaha ay sheegtay inay heshay xog la xiriira weerarro ay Al-shabaab qorshey-nayso inay ka geysato Muqdisho.

Ugu dambeyn, ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda Somalia ayaa howlgallo lagu baarayo shacabka iyo gaadiidka kawada waddooyinka kala duwan ee Muqdisho, gaar ahaan kuwa muhiimka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya