4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Hoteelada Muqdisho oo lagu soo rogay sharciyo cusub oo lagu sugayo amniga


Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Wasaaradda Amniga Gudaha ee xukuumadda Somalia ayaa ku soo rogtay hoteellada magaalada Muqdisho ku yaalla sharci cusub oo uu ka mid yahay in lala socon doono dhaqdhaqaaqyada hoteellada, iyadoo arrintan ku sheegtay mid lagu adkeynayo ammaanka caasimadda.

Sharcigan ayaa dhigay in la diiwaan-geliyo macaamiisha hoteellada, isla markaana haddii loo baahdo su’aalo la weydiiyo, waxaa kaloo maamulka hotellada lagu amray inay foomam ka buuxiyaan qofka hoteelka soo dagaya, si loo ogaado wuxuu u socdo iyo halka uu ka yimid.

Waxay wararku intaas ku darayaan in sharciyada hoteellada lagu soo rogayo uu yahay mid qabyo ah oo ay howshiisu socoto, iyadoo arritan ay noqonayso tii ugu horreysay oo dowladda Somalia ay kusoo rogto hoteellada Muqdisho.

Amarradan ayaa waxaa ka mid ah in hoteel walba uu lahaado kaamirooyinka loo yaqaanno CCTV-ga, si ay qayb uga qaataan sugidda ammaanka, in qofka haysta baasaboor ajnabiga ah ee dagaya hoteellada la sawirro baasaboorka uu wato iyo in dadka laga shaqaaleysiinayo hoteellada ay noqdaan kuwo leh raad-raac ama damaanad.

Sidoo kale, wuxuu sharcigan xadidayaa in hoteel la iska furan karo, iyadoo aanay laamaha amniga wax war ah ka hayn, qofka furanaya hoteelkan laga doonayo inuu buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay oo dhan.

Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla hoteello fara badan; kuwaasoo ay deggen yihiin qaarkood mas’uuliyiinta dowladda ka tirsan sida, xildhibaan-nada iyo siyaasiyiinta, waxaa kaloo daga qurbo-joogta dibadaha dalka ka yimaada.

Tallaabadan oo ah mid billow ah ayaa la filayaa in golaha wasiirrada DFS la hor-geeyo si uu noqdo sharci adag oo lagula socdo dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee hoteellada ku yaalla Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, sharcigan cusub ayaa yimid kaddib markii dhowr jeer ay ka dhaceen hoteellada Muqdisho qaarkood qaraxyo ay waxyeello kala duwan ka soo gaartay xubno ka tirsan kuwa dowladda iyo dad shacab ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya