4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Xarakada Al-shabaab oo Xalay Muddo kooban Gacanta ku Haysay Wanlaweyn


Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay xilli kooban la wareegay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana magaalada ka dhacay iska-horimaad kooban oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Iska-horimaad kooban oo gudaha degmadaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwii Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda ee halkaas ku sugnaa, iyadoo aan la sheegin khasaarihii dagaalka kasoo gaaray Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmadaas oo 90-km Koonfur ka xigta Muqdisho ayaa sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ay dhowr jiho kasoo galeen Wan-laweyn, kaddibna qabsaday saldhigga booliska.

Sidoo kale, goob-joogayaasha degmada ayaa intaas ku daray in xoogagga ee soo weeraray degmada oo aad u fara badnaa ay ku dhawaaqayeen Takbiirta, muddo labo saacadood ahna ay ku sugnaayeen gudaha degmada.

Guddoomiyaha magaalada Wanla-weyn ayaa xusay in Al-shabaab ay si kedis ah ku soo weerareen degmada xilligaasna aysan gudaha degmada joojin wax ciidan ah marka laga reebo ciidamada millateriga oo daafaha degmadaas ku leh fariisimo.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM ayaa saakay aroortii gaaray degmadaas, kuwaasoo ka kala tagay garoonka Balli-doogle iyo deegaanka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay saldhigyo ku leeyihiin.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Sh. Maxamed Nuur (Siidii) ayaa isna sheegay in xalay ciidamo fara badan oo ka tirsan Al-shabaab ay soo galeen degmada Wanlaweyn, isagoo sheegay inay ahaayeen ciidammo k baxsanayay duqeymaha diyaaradaha dagaalka ay ka geysanayaan gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdulqaadir Siidii ayaa sheegay in xoogagii Al-shabaab ee gudaha u galay Wanlaweyn ay u baxeen jihada gobolka Shabeellada dhexe oo gobolka Shabeellada Hoose la leh soohdin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya