4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
GAROOWE: Ciidamada Amaanka oo Xiray Rag looga Shakiyay Al-shabaabnimo

Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Ciidamada amniga degmada Garoowe ayaa gacanta ku soo dhigay xubno looga shakisan-yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab kaddib howl-gallo is daba joog ah oo maalmihii la soo dhaafay ka soconayay xarunta gobolka Nugaal ee Garoowe.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Axmed Cabdulaahi Samatar (Layli) ayaa sheegay in la hayo xubno sar-sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab ,isla markaana dhawaan warbaahinta loo soo bandhigi doono.

“Hadda waxaa socda baaritaanno aan ku haynno ragga aan qabanay, haddii qaarkood wax danbi ah lagu waayo waa la sii dayn doono “ayuu yiri taliyaha oo tilmaamay in howl-galadan ay ka qayb-qaadanayaan ciidamo kale oo laga so xulay gobollada kale ee Puntland.

“Kaliya ma hayno Al-shabab ,waxaan kaloo soo qab-qabannay dhalinyaro badan oo habeenkii dadka ku dhibaatayn jiray xaafadaha kala duwan ee magaalada Garowe “ayuu mar kale yiri Layli oo sheegay in howl-galadan ay sii socon doonaan maalmahan.

Waxaa kaloo mas'uulkan uu sheegay in ay jiraan dhallinyaro iyagana loosoo badalay magaalada Garowe ka dib howl-gallo ciidamada amniga Puntland ay ka fuliyeen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bosaaso.

Ugu dambayn, cidamada amniga Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan xukunnno ugu riday xubno lala xiriirinayo Al-shabaabnimo, kuwaasoo siyaabo kala duwan loo soo qab-qabtay sida uu sheegay taliyaha.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]