4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Xubno la Sheegay in ay ku Biiri Rabeen Al-shabaab oo lagu Qabtay Dhoobleey

Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu qabtey lix nin oo la sheegay inay kasoo tallaabeen xadka Kenya islamarkaana doonayeen inay ku biiraan Al-shabaab.

Lixda nin oo labo kamid ahi Soomaali yihiin, labana Kenyan, labada kalena dalka Tanzania u dhasheen, waxaa gacanta ku dhigey ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Jubbada Hoose ku sugan.

Taliyaha ciidamada ammaanka ee aagga Dhoobley Haybe Axmed Cabdullaahi oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa warkan sheegay, isagoo xusey in nimankaasi wateen qoraallo cadeynaya inay ku wajahan yihiin deegaannada Al-shabaab maamusho.

Taliye Haybe wuu ka gaabsadey inuu bixiyo faah faahin intaas ka badan, wuxuuse tilmaamey in xilligan dadkaas baaritaan lagu wado suuragalna ay tahay in dhowaan loo soo gudbiyo dhanka magaalada Muqdisho.

Dowladda Kenya ayaa hadda kahor marar badan qabatey dad Soomaali iyo ajnebiba isugu jirey, kuwaasoo la sheegay in laga qabtey xadka xilli ay isku deyayeen inay dhuumaalaysi ku galaan Soomaaliya, si ay ugu biraan Al-shabaab.

Dagaalyahanno badan oo ajenebi ah ayaa ka barbar dagaalama Al-shabaab, dadkaasoo qaar badan oo kamid ahi kasoo soo jeedaan wadamada ku yaalla bariga Afrika gaar ahaan dalalka Kenya, Tanzania iyo Uganda.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Dowladda Federaalka ee ah inay qabatey xubno ku biiri lahaa Al-shabaab, sidoo kale ma jiro wax war ah oo arrintaas ku saabsan oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya