4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Xaalad Bini'aadanimo oo ka taagan Degmada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan

Arbaco, Maarso, 11, 2015 (HOL) -- Waxaa laga deyrinayaa xaalada nolaleed ee dadka ku dhaqan degmada Buula-burte oo wali go'doomin ay ku hayaan xoogagga xarrakada Al-shabaab oo sanadkii horay laga saaray degmada.

Sii hayaha xilka guddoomiyaha degmada Buula-burte Liibaan Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in wali degmada xayiraad ku hayaan Al-shabaab, kaddib markii ay iska hortaageen in ay gudaha u  gallaan degmada
gadiidka xamuulka ah ee isaga kala goosha gobollada dalka.

'''Meelaha qaar waxaad arkeysaa qoysas dhan oo baahi -darteed u jiifa, kaddib markii ay waayeen wax ay quutaan, xaaladu waa ay sii xumaaneysaa, mana jirto wax loo qaban karo ayuu yiri'' sii hayaha xilka guddoomiyaha degmada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore gaarsiisay degmada raashin mucaawinno ah oo ay galbinayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM, hasse ahaatee gargaarkaasi ma noqon mid dadka si isku mid ah uga wadda faa'ideystaan, kaddib markii la musuq-maasuqay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo la hadllayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in ka maamul ahaan si dhaw ula socdaan xaalada dadka ku dhaqan degmada, dhawaanna qorshuhu yahay in la furo dhamaanba jidadka galla degmada.

''Qorshaha inoo degsan ka maamul ahaan waa in sidda ugu dhaqsiyaha badan degmada looga qaado go'doominta ay ku jirto, waxaana howlgal qorsheysan ka fulin doona degmada iyo deegaannada ku hareereysan ciidammada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM, ayuu yiri'' guddoomiyaha gobolka.

Dadka degmada Buula-burte ayaa hadda taagan heer quus ah madaama aysan ogeyn waqti rasmi ah oo la soo gaba-gabeyn doono go'doominta ay ku hayaan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya